Kabtanka Manchester United ee Harry Maguire ayaa loosoo jeediyey inuu iskaga tago kooxdaas, kaddib markii uu Erik ten Hag kursiga kaydka fadhiisiyey kulamadii Nottingham Forest iyo Wolves, iyadoo waliba uu maqan yahay Lisandro Martinez.
Maguire oo 29 jir ah ayaa bandhig heersare ah ka sameeyey Koobkii Adduunka, laakiin kooxdiisa ayaa uu wali ku dhibaatoonayaa oo uu ka la’ yahay boos joogto ah.
Ten Hag ayaa ka doorbiday Luke Shaw oo uu ka ciyaarsiiyey difaaca dhexe, waxaanay xaaladdiisu sii xumaan doontaa marka uu soo laabtay Lisandro Martinez oo shalay yimid Carrington kaddib fasaxii uu galay guushii Koobka Adduunka.
Difaaciihore ee Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa u sheegay Harry Maguire in si uu u badbaadsado mustaqbalkiisa ciyaareed inuu iskaga tago Old Trafford maadaama aanu Ten Hag wax kalsooni ah ku qabin oo uu xataa ka doortay Luke Shaw oo uu ka garab ciyaarsiiyey Raphael Varane.
Ferdinand oo ka hadlayay BT Sport ayaa yidhi: “Layaab ayay igu noqotay markii aan arkay Lindelof iyo Maguire oo kaydka fadhiya.
“Waxay ku tusaysaa in Ten Hag aanu ku fikirayn labadan ciyaartoy. Haddii aan Harry Maguire ahaan lahaa, waxa aan raadsan lahaa koox cusub. Qalad la’aan ayuu ahaa England laakiin United waxa laga saaray shaqada.
“Tababaraha cusub waxa uu ina tusayaa in aanu Maguire ka mid ahayn labada difaac dhexe ee sare. Waxa aan u sheegi lahaa wakiilkiisa in uu u raadiyo koox cusub oo uu si joogto ah ugu ciyaari karo, si uu ugu raaxaysto kubadda cagta.”
Manchester United ayaa sannadkii 2019 waxay Harry Maguire kasoo iibsatay Leicester City iyada oo kasoo bixisay £70 milyan oo Gini, waxaanu illaa hadda u saftay 154 ciyaarood.
Taas ma dhaceyso he is man utd player wana u ku farax san yhy team kisa viva red devils
One love