Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Harry Maguire Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee Kulanka Man City Ee Axadda

by Abdiwahab Ahmed
September 30, 2022
0
Harry Maguire Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee Kulanka Man City Ee Axadda

Kabtanka Manchester United ee Harry Maguire ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Manchester Derby ee ay Axadda martida u noqonayaan Man City, waxaana warkan xaqiijiyey tababare Erik ten Hag oo maanta saxaafadda kula hadlayay Carrington.

ADVERTISEMENT

Maguire oo ay da’diisu tahay 29 jir, isla markaana kaydka ku jiray afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ayaa laga doorbiday Lisandro Martinez iyo Raphael Varane.

Ten Hag ayaa sheegay, in Harry Maguire oo uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii xulka qaranka England uu Wembley kula ciyaaray Germany toddobaadkan, in aanu taam ka noqonayn oo uu u jiifi doono in muddo ah, inkasta oo kaliya uu caddeeyey in ciyaarta Man City uu maqnaanayo.

Erik ten Hag oo wax laga weydiiyey xaaladda Harry Maguire ayaa yidhi: “Marka hore, dabcan waa in aan tilmaamo isaga oo aan taageero sababtoo ah waan ku kalsoonahay isaga.

ADVERTISEMENT

“Waqtigii kulamadii saaxiibtinimo ee ka hor xilli ciyaareedka ee aan la shaqeeyey aad ayuu u wanaagsanaa, tababarka ayuu si fiican u samaynayay waanu dheelayay, xataa marka aanu kooxda ku jirin, waxa uu tayadiisa si fiican ugu muujinayay tababarka.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

“Waad aragteen waayihiisa ciyaareed ee min Leicester illaa Manchester iyo xulka England oo uu u saftay 50 ciyaarood, si fiicanna u dheelayay. Qolka labbiska, tababareyaasha iyo ciyartoyduba way ku kalsoon yihiin isaga.”

Isaga oo ka hadlayay dhaawaciisa ayuu yidhi: “Diyaar uma aha ciyaarta Man City, waxa uu dhaawac kasoo gaadhay kulamadii caalamiga ahaa.”

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa waxa dib ugu soo laabtay Anthony Martial oo in muddo ah dhaawac ku maqnaa iyo Marcus Rashford oo waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Arsenal ee horraantii bishan.
ADVERTISEMENT
Share302Tweet189
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.