Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Harry Kane Waa In Laga Qaado Kabtanimada Xulka England Waana In Lagu Bedelo…….

by Saed Mohamed
December 13, 2022
0
Harry Kane Waa In Laga Qaado Kabtanimada Xulka England Waana In Lagu Bedelo…….

Halyeeyga England Tony Adams ayaa aaminsan in Harry Kane laga xayuubiyo kabtanimada ka dib markii xulka Ingariiska ay ka hareen Koobka Adduunka – iyadoo bedelkiisa uu durbaba ka tirsan yahay xulka Seddexda Libaax.

ADVERTISEMENT

Xulka Gareth Southgate ayaa guuldarro 2-1 kala kulmay Faransiiska kulankii wareega sideed dhamaadka.

Harry Kane ayaa gool rigoore ahaa ku barbareeyay goolkii Tchouameni ay France hogaanka ku qabteen, laakiin Olivier Giroud ayaa goolka guusha dhaliyay xilli Harry Kane uu qasaariyay rigoore labaad oo England loo dhigay taasoo xaqiijisay haritaanka England.

Tony Adams ayaa aaminsan in guuldarrada kale ee England soo gaartay ay la micno tahay in loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo xulka. Wuxuu u sheegay wargeyska The Sun in Southgate uu u baahan yahay inuu shaqaalihiisa ku soo darsado tababare khibrad ah halka uu sidoo kale ku baaqay in kabtanimada laga xayuubiyo Kane.

ADVERTISEMENT

“Waxay u baahan yihiin khibrad iyo nin guuleyste ah. Gareth kuma yara dhiiranaanta, laakiin waa guuldareyste fiican. Waa wax ay adag tahay in la sheego balse run ah.” ayuu yiri kabtankii hore ee Arsenal.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

“Waxay u baahan yihiin cod kale, shaqsi khibrad leh oo kooxaha waa weyn guulo la soo gaaray kaasoo u sheegi kara waxay u baahan yihiin inay sameeyaan si ay uga gudbaan caqabada heysata.”

Wuxuu Tony Adams ku baaqay in kabtanka xulka England laga dhigo Declan Rice kaasoo sidoo kale kabtan u ah kooxdiisa West Ham United.

Rice ayaa kabtanimada West Ham kala wareegay Mark Noble xagaagii, waana xiddig boos ka helaya England tobanka sannadood ee soo socda.

Adams ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan heysanaa ciyaartooy fiican laakiin waxaan ku adkeysanayaa in kabtanka la bedelo. Harry Kane waa lambar sagaal. Waa inaan haatan ka fekerno wixii aan ka sameyn laheyn kabtanimadiisa.

ADVERTISEMENT

“Waxaan aaminsanahay in Declan Rice laga dhigo kabtanka xulka England.”

Share380Tweet238
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.