Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa shaaciyey inuu guursaday markii afraad, waxaanu markan nolosha kula midoobay qalano ay dalxiis ku wada joogeen jasiiradaha Caribbean-ka oo sawirro laga qaaday ay warbaahinta daabacaysay bilihii ugu dambeeyey.
Xiddigan hore ee Real Madrid iyo Inter Milan ayaa shaaciyey inay is-guursadeen Celina Locks oo 14 sannadood ka yar isaga, waxaana uu si cad usoo bandhigay heerka uu jacaylkoodu gaadhsiisan yahay.
Ronaldo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada oo uu ku xaqiijinayey guurka waxa uu ku yidhi: “Waan ku jecelahay Celina’. Dad badan ayaa markiiba ka falceliyey arrintan, waxaase ugu horreysay xaaskiisii hore ee Milene Domingues.
Celina oo 32 jir ah ayaa iyaduna waxay soo bandhitay faraatiga muujinaya guurkooda, waxaana qoraal ay daabacday ay ku tidhi: “Haa, waanu is-guursanay.” Waxay sii raacisay: “Waan jeclaanayaa waligayba Ronaldo.”
46 jirkan hawlgabka ka noqday kubadda cagta oo hadda ah madaxweynaha kooxda horyaalka LaLiga ee Real Valladolid ayaa isaguna bartiisa bulshada kaga jawaabay qoraalka xaaskiisa cusub ee Celina, waxaanu ku yidhi: “Aniguba waan ku jecelahay”. Waxa uu ku ladhay afar wadne.
Ronaldo ayaa laba dumar ah oo hore soo guursaday, waxaana ugu horreysay Milene oo ay kala tageen September 2003 kaddib afar sannadood oo ay is-qabeen, waxaanay u dhashay Ronaldo Junior oo ah 22 jir xirfaddiisu noqotay DJ.
Kaddib waxa uu guursaday Daniella Cicarelli markii ay taariikhdu ahayd February 2005, iyadoo arooskooduna ka dhacay waddanaka Faransiiska, balse saddex bilood oo kaliya kaddib arooskooda ayay kala tageen iyadoo Ronaldo lagu eedeeyey inuu khiyaameeyey.
Mar saddexaad ayuu guursaday ardayad baranaysay culuumta Injineernimada oo lagu magacaabo Maria Beatriz Antony oo u dhashay laba hablood oo la kala yidhaahdo Maria Sofia oo 14 jir ah iyo Mria Alice oo 12 jir ah muddo toddoba sannadood ah oo ay wada joogeen.