Halyeygii kooxda kubadda cagta Arsenal ee Marc Overmars ayaa cusbitaalka loola cararay kaddib markii uu kusoo booday xanuunka faaligga oo la sheegay in heerkiisu hooseeyo.
Xiddigan hore ee reer Netherlands ayaa xalay la dhigay cusbitaalka, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladdiisu kasoo raynayso oo uu bilaabay inuu sameeyo soo kabasho.
Kooxda kubadda cagta Royal Antwerp oo uu Overmars ka yahay agaasimaha kubadda cagta ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku tidhi: “Marc Overmars, agaasimaha kubadda cagta ee RAFC ayaa xanuunsaday xalay waxaana cusbitaalka loo dhigay faalig heerkiisu hooseeyo.
“Marc waa uu soo fiicnaanayaa, laakiin waa in uu muddo ku jiro dhakhtarka. Marc iyo qoyskiisuba waxay diiradda ku hayaan soo kabashadiisa, mana doonayno in aanu bixino faahfaahinintaas dheer. RAFC waxay u rajaynaysaa Marc soo kabasho degdeg ah.”
Overmars oo bishii February iska casilay Ajax oo uu ka ahaa Agaasimaha kubadda cagta kaddib fadeexado la xidhiidha farriimo aan habboonayn oo uu u diray gabdho ka shaqeeya Ajax, taas oo keentay inuu iskaga tago Johan Cruyff Arena.
Marc Overmars ayaa ka fadhiistay kubadda cagta 13 sannadood ka hor, waxaana lagu xasuustaa saddexdii sannadood ee uu wacdaraha ka dhigay Arsenal oo uu kula guuleystay horyaalka Premier League, FA Cup iyo Charity Shield isaga oo u dhaliyey 40 gool.
Markii uu ka tegay Arsenal sannadkii 2000, ayaa waxa uu u wareegay Barcelona oo uu u ciyaaray afar sannadood oo 97 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey 37 gool. Xulka qaranka Netherlands ayaa uu sidoo kale u ciyaaray 80 kulan.