Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Halkee Ayuu Ku Sugan Yahay Goolhaye Andre Onana Oo Laga Caydhiyey Xulka Qaranka Cameroon?

by Abdiwahab Ahmed
November 28, 2022
0
Halkee Ayuu Ku Sugan Yahay Goolhaye Andre Onana Oo Laga Caydhiyey Xulka Qaranka Cameroon?

Goolhaye Andre Onana ayaa laga saaray liiska xulka qaranka dalka Cameroon maanta gellinkii hore, kaddib markii ay isku dhaceen tababare Song oo ay isku maan-dhaafeen qaabka loo ciyaarayo. Onana ayaa la sheegay inuu tababaraha si cad uga soo horjeedsaday, sidoo kalena uu kula murmay garoonka tababarka dhaxdiisa.

ADVERTISEMENT

Samuel Eto’o oo ah guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Cameroon ayaa isku dayay inuu dhaxdhaxaadiyo goolhaye Andre Onan iyo tababare Song, hase yeeshee waa uu ku guul-darraystay in uu xal ka dhax dhaliyo.

Andre Onana oo bandhig ciyaareed fiican sameeyey kulankii Switzerland balse goolal laga dhaliyey waqti dambe,a yaa waxa uu gebi ahaanba ka maqnaa garoonka ciyaartii ay maanta Cameroon barbarraha 3-3 ah la gashay Serbia, iyadoo goolhaye Rigobert Song uu go’aan rasmi ah ku gaadhay inuu ka saaro xulka qarankiisa.

Sida uu kusoo warramayo wariye Fabrizio Romano, goolhaye Onana ayaa si rasmi ah looga saaray sarulka qaranka dalkiisa Cameroon, waxaana uu sidoo kale maanta oo Isniin ah isku diyaarinayaa inuu ka dhoofo waddanka Qatar ee uu ka socdo Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Onana oo muddo sagaal bilood ah ganaax kaga maqnaa ciyaaraha kaddib markii isaga oo u ciyaaraya Ajax uu isticmaalay daawooyin xanuun baabi’iye ah oo ay lahayd gabadh ay saaxiibbo yihiin, isla markaana FIFA ku ridday ganaax maadaama ay daawooyinkaasi mamnuuc ka yihiin ciyaartoyda, waxa loo badinayaa in uu u duulayo waddanka Talyaaniga ee ay ka dhisan tahay kooxdiisa Inter Milan.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share460Tweet287
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.