Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Halkee Ayay Kusii Jeedaan? Sofiane Boufal iyo Azzedine Ounahi Oo Shandadahooda Ka Xidh-xidhay Angers Kaddib Wacdarihii Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 21, 2022
0
Halkee Ayay Kusii Jeedaan? Sofiane Boufal iyo Azzedine Ounahi Oo Shandadahooda Ka Xidh-xidhay Angers Kaddib Wacdarihii Koobka Adduunka

Xiddigaha reer Morocco ee wacdaraha ka dhigay Koobka Adduunka ee Sofiane Boufal iyo Azzedine Ounahi ayaa shandaddooda ka xidh-xidhay kooxdooda Angers, kaddib markii ay sumcadoodu sare ugu kacay bandhiggii cajiibka ahaa ee ay ka sameeyeen Koobka Adduunka ee sababay in dalkoodu kaalinta afraad ku dhamaysto.

ADVERTISEMENT

Ounahi iyo Boufal ayay kooxo badan dalabyo kasoo gudbiyeen iyadoo aanu dhamaanin Koobkii Adduunka ee Axaddii lasoo gabogabeeyey, waxaanay Angers qiratay in hadda ay ku adag tahay inay sii haysato ciyaartoydan.

Wargeyska caanka ah ee kasoo baxa Faransiiska ee L’Equipe ayaa sheegay in maalmaha horyaalka Ligue 1 ay kasii ciyaarayaan Boufal iyo Ounahi ay tirsan yihiin, iyadoo kooxdooduna ay kaalmaha ugu hooseeya ku jiro.

Soufiane Boufal ayaa la sheegay in kooxdiisii hore ee Southampton ay dalab kasoo gudbisay inkasta  oo sannadkii 2020 ay iska fasaxday, balse lama sheegin faahfaahinta lacageed ee uu xambaarsan yahay dalabkaas.

ADVERTISEMENT

Kooxda horyaalka Ligue 1 ee Lille ayaa iyaduna dalab 7 milyan oo GIni ah ka gudbisay Ounahi oo ah ciyaartoyga loogu doonista badan yahay kaddib koobka adduunka, waxayse Angers ku xidhay lacag gaadhaysa 45 milyan oo Gini.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Leicester City ayaa la rumaysan yahay inay mar horeba u gudbisay Angers dalabkeeda qaaliga ah, balse waxa saxeexa laacibkan kula tartamaya Barcelona iyo kooxo kale oo horyaalka Premier League ah.

Ounahi oo laba sannadood ka hor ay Angers kala soo wareegtay naadiga heerka saddexaad ee Faransiiska ee Avranches ayaa la sheegay in qiimaha uu suuqyada ka taagnaa ka hor Koobka Adduunka uu ahaa 2.5 milyan oo Euro, balse hadda uu cirka isku shareeray oo uu 45 milyan oo Gini qiimihiisu marayo.

Ma aha Soufiane Boufal iyo Azzedine Ounahi oo kaliya ciyaartoyda reer Morocco ee saxeexyadooda lagu dagaallamayo, hase yeeshee Amrabat ayaa isagana ay si weyn u doonaysaa Liverpool oo u aragta inuu buuxin doono booska Fabinho oo xilli ciyaareedkan la saluugsan yahay ciyaartiisa.

ADVERTISEMENT
Share358Tweet224
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.