Laba dumar ah ayay kaamerooyinku qabteen iyagoo si waali ah u dabaaldegaya isla markaana qaybta sarre ee jidhkooda qaawiyay kaddib guushii Argentina ee Koobka aduunka.
Labadaas taageere ee Argentina ayaa dabaaldegaas dhaqan xumada ah sameeyay kaddib rigoorihii guusha ee uu Gonzalo Montiel u dhaliyay La Albiceleste.
Labadaas dumar ah oo kaddib dhacdadaas la baxay magaca “Hablihii dusha sarre qaawanaa” (Topless Girls) ayaa halis u galay dawlada Qatar oo hore uga digtay dhaqamada noocaas ah mudada Koobka aduunku dalkeeda ka socdo.
Balse waxa ay ka sameeyeen ciyaartaas ayay iska indho-tireen amaba seegeen maamulka dawlada Qatar iyagoo bartooda Instagram soo dhigay sawiro muujinaya inay ku laabteen dalkooda Argentina oo qayb ka yihiin dabaaldega halkaasi ka socda.
Kahor tartanka ayay ahayd markii waaxda dalxiiska dawlada Qatar ay shaaca ka qaaday sharciyada dadka ajaanibta ah ee mudada ay Qatar Koobka aduunka u joogaan iyo sida aan loogu ogolayn dhar jidhkooda qayb ahaan muujinaya iskaba daa qaawanaane.