Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Haddii Uu Messi Ku Guuleysto Koobka Aduunka….” – Ronaldo Nazario Oo Dareenkiisa Sii Cabiray

by Apdihakem Omer Adam
December 13, 2022
0
“Haddii Uu Messi Ku Guuleysto Koobka Aduunka….” – Ronaldo Nazario Oo Dareenkiisa Sii Cabiray

Halyeeyga kubadda cagta Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo sida uu u arko haddiiba Lionel Messi iyo Argentina ku guuleystaan Koobka aduunka sanadkan Qatar 2022.

ADVERTISEMENT

Dalkiisa ayaa qaab lama filaan ah wareegii siddeed dhammaadka ugaga hadhay tartanka kaddib rigoorayaal ay isla gaadheen Croatia.

Ronaldo oo kahor kulamada afar dhammaadka tartankan hadlay ayaa sheegay inaysan Argentina lahayn tayo iyo hibo badan balse ay leeyihiin dhiiranaan badan.

R9 oo Mundo Deportivo la hadlaya ayaa sheegay inuu ku farxi doono haddii Messi ku guuleysto Koob aduun balse uusan Brazilian ahaan u farxi doonin.

ADVERTISEMENT

“Waxaan noqon doonaa mid faraxsan haddii uu Messi ku guuleysto Koobka aduunka, uma farxi doono ka Brazilian ahaan” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Ronaldo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

“Dhammaanteen waynu u qalanaa, kubadda cagtu waa ciyaaris iyo guuleysasho, qofna waxba kuma siinayo. Dabcan isagu (Messi) fursad ayuu haystaa, Argentina kubad cajiib ah ma ciyaarto balse waxay leeyihiin rabitaan aan caadi ahayn”.

“Dhammaantood in badan ayay wada ordaan, dhammaantood kubadda ayay ku dagaalamaan kaddibna waxay haystaan Messi kaas oo marka uu goobta ku dhaqaaqo mid aad wax u go’aamiya ah, shaqsiyan anigu waan u farxi doonaa haddii uu ku guuleysto”.

ADVERTISEMENT
Share397Tweet248
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.