Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa shaaca ka qaaday xulka kale ee uu u rajaynayo koobka aduunka haddii ay iyagu hanan waayaan sanadkan.
Tababarihii hore ee Barcelona ayaa xalay ka qayb qaatay muuqala barta Twitch ah iyadoo qorshihiisu yahay inuu taageerayaasha xulka La Roja halkaas kala sheekaysto dhawr mar toddobaadyada soo socda.
Xulka Spain ee Koobka aduunka Qatar kaga qayb galaya ayaa shalay gaadhay halkaas, tababarka kaddib ayuu kasoo muuqday Twitch kahor kulankooda ugu horreeya ee ay Costa Rica la ballansan yihiin.
Isagoo halkaas su’aalaha kaga jawaabayay ayuu sheegay inuu xulka Argentina la doonayo Koobka haddii dalkiisu hanan waayo sababtoo ah Lionel Messi oo uu hore macalin ugu soo noqday.
“Waxaan filayaa in Brazil iyo Argentina yihiin kuwa ugu cad cad, kaddib France ayaa ah xulka haatan haysta koobka, Germany, Spain, Netherlands, England iyo Belgium ayaa sidoo kale ku dhaw” ayuu yidhi Lucho.
“Haddii aanaan ku guuleysanayn waxaan doonayaa in Argentina ku guuleysato. Ciyaartoy heer caalami ah sida Lionel Messi waa inuu koob aduun la hawl-gabo iyadoo uu noqon karo midkii ugu dambeeyay ee uu ka qayb qaato walow aan filayo inuu midka xiga ciyaari karo”.
“Balse waxaan doorbidayaa in Spain ku guuleysato, dabcan malaha sidoo kale Uruguay sababta Luis Suarez”.