Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Haddii Aanay I Eryin, Anigu Heshiiskayga Waan Dhamaysanayaa” – Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Haddii Uu Noqonayo Tababaraha Brazil

by Abdiwahab Ahmed
December 19, 2022
0
“Haddii Aanay I Eryin, Anigu Heshiiskayga Waan Dhamaysanayaa” – Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Haddii Uu Noqonayo Tababaraha Brazil

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya in uu iskaga tegi kooxdaas oo uu noqon doono tababaraha cusub ee Brazil ee beddelaya Tite oo is-casilay kaddib markii ay Brazil wareegga siddeedda kaga hadhay Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Carlo Ancelotti oo qandaraaskiisa Real Madrid uu soconayo illaa sannadka 2024 ayaa la sheegay inuu safka hore kaga jiro liiska macallimiinta uu xidhiidhka kubadda cagta Brazil doonayo inuu noqdo tababaraha cusub oo uu hoggaamiyo xulka Brazil.

Isaga oo kooxdiisa u diyaarinaya kulanka horyaalka LaLiga ee Real Valladolid ee toddobaadka dambe, ayaa waxa uu Carlo Ancelotti la hadlay idaacadda waddankiisa Talyaaniga ee Rai Radio 1, waxaana la weydiiyey waxa ka  jira wararka sheegaya inuu iskaga tegayo Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedka oo uu noqon doono macallinka cusub ee Brazil.

Ancelotti oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa yidhi: “Anigu waxa aan ku noolahay nolol maalinba maalinta xigta [damaanad aan haysan], waxaana jiri doona waqti aan kaga fikiri doono mustaqbalkayga.

ADVERTISEMENT

“Ma garanayo waxa mustaqbalka aan samayn doono, laakiin hadda waxa aan ku fiicanahay Real Madrid oo aanu xilli ciyaareedkan yoolal badan leenahay. Waxa aan kula jiraa qandaraas illaa June 20, 2024 ah, haddii aanay Madrid i eryin ka hor waqtigaas, anigu meelna tegi maayo.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Mar la weydiiyey sida uu ahaa koobka adduunka ee xulka Argentina uu ku guuleystay, waxa uu ku jawaabay: “Waxa  uu ahaa tartan wanaagsan oo si qurux badan kusoo dhamaaday. Argentina way u qalmaysay in ay ku guuleysato laba sababood dartood; sababtoo ah waxay haystaan ciyaartooyo wanaagsan iyo midka ugu fiican dunida, iyo sababtoo ah tayada ay kusoo kordhiyeen ciyaartoyda cusub sida Julian Alvarez iyo Enzo Fernandez.”

ADVERTISEMENT
Share324Tweet203
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.