Neymar Jr waxa uu dhaliyey gool rikoodhe ahaa kulankii xulka qarankiisa Brazil uu 4-1 ku xasuuqay Koonfur Korea isaga oo kasoo laabtay dhaawac uu ku seegay labadii ciyaarood ee Switzerland iyo Cameroon. Inkasta oo uu is ilaalinayay oo ay muuqatay in isku dayayo inuu ka baaqsado in kuraanta lugta midig ay wax kaga dhacaan, haddana waxa uu soo bandhigay ciyaar fiican.
Laacibkan oo mar shaki la geliyey taam ahaanshihiisa Koobka Adduunka, ayaa tababarka kusoo laabtay Sabtidii, waxaana uu tababare Tite go’aansaday inuu kusoo bilaabo markii uu ku tijaabiyey tababarkii Axaddii oo uu muujiyey inuu taam u yahay kulanka, inkasta oo uu taxadar u baahnaa.
Neymar oo kaddib ciyaartii xalay waraysi siiyey telefishanka SporTV ayaa waxa uu ka sheekeeyey sidii ay ahayd xaaladdiisu markiio uu dhaawacmay ee waliba shakiga la geliyey inuu mar dambe ciyaari doono Koobka Adduunka, waxaana uu xaqiijiyey in habeen dhan uu ooyayay.
“Waa xaqiiqo, waxa jirtay cabsi badan oo dhaawacayga ah. Waxa aan soo qaatay xilli ciyaareed wanaagsan oo aan si fiican usoo shaqeeyey, balse dhaawaca sidan oo kale ah aad ayuu u adag yahay. Habeenkii oo dhan ayaan ooyayay, qoyskaygu way ogaayeen balse wax walba caadi ayay kusoo noqdeen.” Ayuu yidhi Neymar.
Xiddiga Brazil ayaa waxa kale oo uu ka sheekeeyey sidii ay dhakhaatiirtu ula tacaaleen dhaawaciisa, waxaana uu yidhi: “Illaa 11kii subaxnimo ayaan la joogay dhakhtarka, maalintii xigayna 5tii illaa 6dii subaxnimo ayaan la joogay. Dhibaato kasta oo lasoo maray hadda waan kasoo kababanay, waxaananu rajaynaynaa in aanu koobka ku guuleysan doono.”
30 jirkan ayaa waxa uu hadda isku diyaarin doonaa kulanka Croatia ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka, waxaana midkooda soo baxaa uu iska xaadirin doonaa semi-finalka oo Argentina iyo Holland midkood ay kula dheeli doonaan Education City Stadium.