Habaarkii fanaanka Drake ayaa jabay laakiin wuxuu weli qasaaray hal milyan doolar inkastoo uu si sax ah u saadaaliyay in Argentina ay guuleysaneyso finalka Koobka Adduunka.
Fanaanka reer Canada oo ku caan baxay in kooxdii uu taageero laga badiyo ayaa ugu danbeyn ka baxay habaarkaas iyadoo Argentina ay qaaday Koobka Adduunka.
Laakiin Drake ayaa ku guuldareystay qamaarkii uu dhigtay ee halka milyan doolar, madaama saadaashiisa ay aheyd in Argentina ay ka badin doonta France 90ka daqiiqo ee ciyaarta.
Labadii gool ee uu Kylian Mbappe dhaliyay dhamaadka ciyaarta ee uu barbaro 2-2 uga dhigay ayaa keentay in fanaanka reer Canada uu qasaaro hal milyan doolar.
Ciyaarta ayaa 120kii daqiiqo ku dhamaatay barbaro 3-3 ah iyadoo Argentina ay rigoore 4-2 ku badisay.
Inkastoo Drake uu ku faraxsan yahay in kooxdii uu taageeray ay badisay hadana wuxuu ka niyadjabsan yahay inuu qasaaray hal milyan doolar.
Haddii uu qamaarka ku guuleysan lahaa oo Argentina ay ka badin laheyd France 90ka daqiiqo ee ciyaarta wuxuu heli lahaa lacag gaareysa labo milyan todoba boqol iyo konton kun (2.75 milyan) doolar.
Nasiib xumada Drake weli ma aysan baab’in laakiin wuxuu niyada ku dhisan karaa haatan in koox uu taageeray ay badisay oo weliba ku guuleysatay Koobka Adduunka.