Dadka intiisa badan ayaa la yaaban ficilka xun ee uu Mohamed Salah ku kacayo sannad walba waqtigaan oo kale isagoo u dabaaldega ciida gaalada oo xaaraamka ah inuu qof Muslim ah sameeyo.
Isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa oo dhar isku ek xiran ayuu isku soo sawiray geedka ciida gaalada oo gurigiisa dhex dhigtay, wuxuuna barahiisa bulshada ku soo qoray fariinta ay gaalada isagu hambalyeeyaan maanta oo kale.
Waa sannadkii 3aad ee uu xiddiga reer Masar uu u dabaaldegayo ciida gaalada, waxayna dad badan isweydiinayaan waxa ka qaldan weeraryahanka Liverpool.
Sidoo kale taageerayaasha Liverpool oo Muslim iyo gaal leh ayaa ka walwalsan falka uu ku kacay madaama mar walba uu ciida gaalada u dabaaldego uu ku dhaco habaar keena in abaar dhanka goolasha ay soo wajahdo.
Sannadkii la soo dhaafay markii uu u dabaadegay ciida gaalada kulankii ku xigay wuxuu Liverpool ka qasaariyay rigoore waxaana Reds ka badisay Leicester City.
Qaab ciyaareedkiisa ayaana hoos u dhacay muddo isbuucyo ah ka hor inta uusan soo kabsanin dhamaadkii xilli ciyaareedka.
Liverpool waxay Boxing Day la ciyaareysaa Aston Villa, waxayna taageerayaasha ka walwal qabaan in habaarka Mohamed Salah uu run noqdo mar kale madaama uu ciida gaalada u dabaaldegay.
Salah with his annual Christmas celebration curse so it's 3pts for Aston Villa on Boxing day😭😂🤣 https://t.co/J2l3QJKEjV
— AFCAbdul (@afc_abdul) December 25, 2022
AFC Abdul ayaa soo qoray: “Salah iyo habaarkiisa sannadlaha ee ciida gaalada sidaasi darteed Aston Villa ayaa seddexda dhibcood qaadaneysa Boxing Day”
Yeah Liverpool is not making Top 4. Salah Christmas curse incoming 😂. https://t.co/shj05Ia0ez
— GOAT (@fulanimamii) December 25, 2022
Taageere kale ayaa yiri: “Liverpool ma soo galeyso afarta sarre. Habaarkii ciida gaalada ee Salah ayaa soo socda”
It called Mo salah christmas curse, everytime he celebrates christmas he goes through a goal drought. it happens every year
— Formou creative (@fortmou) December 25, 2022
Mid kale ayaa soo qoray: “Waxaa la yiraahdaa habaarka ciida gaalada ee Mo Salah, mar walba uu ciida gaalada u dabaaldego abaar dhanka goolasha ayuu wajahaa. Sannad walba ayay dhacdaa”
The Salah Christmas Curse is so real that even non-Muslim Liverpool fans are saying STOP DOING IT SALAH 😭
— Ahmed 🇸🇴 (@StrawHatShonen) December 24, 2022
Ahmed ayaa isna yiri: “Habaarka ciida gaalada ee Salah waa mid dhab ah xitaa taageerayaasha aan Muslimka aheyn ee Liverpool ayaa ku dhahaya JOOJI SALAH HA SAMEYNIN”