Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Habaar-qabihii Nasiibka Darnaa Ee Drake Oo Taageeray Argentina & Falcelinta Taageereyaasha

by Abdiwahab Ahmed
December 17, 2022
0
Habaar-qabihii Nasiibka Darnaa Ee Drake Oo Taageeray Argentina & Falcelinta Taageereyaasha

Taageereyaasha xulka qaranka Argentina ayaa naxayt markii ay ogaadeen in finalka  Koobka Adduunka uu dalkooda taageerayo habaar-qabaha aanay guuleysanin cidda uu taageero ee Drake oo ah fannaan u dhashay Canada. Jamaahiirta ayaa u malaynaya in ay inkaari ku dhacday xulkooda oo ay guul-darraysanayaan, waxaanay kaga falceliyeen baraha bulshada.

ADVERTISEMENT

Argentina ayaa Axadda berri waxay waajihi doontaa Faransiiska finalka Koobka Adduunka oo loo sii qurxiyey garoonka cusub ee Lusail Stadium.

Drake ayaa sheegay in uu taageereyo Argentina oo uu waliba rajaynayo in ay ku dabbaal-degi doonaan Lusial Stadium, kaddib markii ay Argentina guul-darraysatay finalkii 2014 oo uu isagu taageerayay.

Fannaanka reer Canada ee Drake oo aan waligii la arag koox uu taageero oo guuleysata ayaa waxa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in uu taageerayo Argentina, waliba uu soo xidhan doono garanka kooxda Napoli ee uu u ciyaari jiray halyeygii Argentinaa ee Diego Maradona.

36 jirkan ayaa muuqaalkiisa markii uu soo dhigay baraha bulshada, waxa si weyn uga falceliyey taageereyaasha  kubadda cagta, gaar ahaan reer Argentina oo sheegay inay guul-darraysan doonaan mar haddii uu habaar-qabahani taageerayo.

“Drake ayaa taageeraya Argentina si ay u guuleysato? Haa, Faransiiska ayaa badinaya.” Sidaas  waxa soo qoray mid ka mid ah taageereyaasha kubadda cagta.

Mid labaad ayaa isaguna soo qoray: “Drake ma waxa uu habaarkiisii keenay Argentina?!”

Taageere saddexaad ayaa isaguna soo qoray: “Drake waxa uu ku khamaarayaa in Argentina ku guuleysan doonto Koobka Adduunka… Habaarkii Darake ayaa ku dhacaya, mar kale ayaanay dhibbaneyaal noqon doonaan.”

Drake ayaa waxa uu hore u taageeray Israel Adesanya ciyaar feedh ahayd oo uu la dheelayay Alex Pereira isaga oo waliba dhigtay khamaar £1.2 milyan oo Ginii ah balse waa laga badiyey.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Share388Tweet242
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.