Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Haaland Oo Qiimo Tiray Premier League, Seddexleydii AFARAAD Ayuu Ka Dhaliyay Xilli Man City Ay Labo Dhibcood U Soo Jirsatay Arsenal

by Saed Mohamed
January 22, 2023
0
Haaland Oo Qiimo Tiray Premier League, Seddexleydii AFARAAD Ayuu Ka Dhaliyay Xilli Man City Ay Labo Dhibcood U Soo Jirsatay Arsenal

Erling Haaland ayaa cadeeyay in Premier League uusan ka adkeyn horyaalada kale ka dib markii uu seddexleydiisii afaraad ee xilli ciyaareedkan uu ku caawiyay Man City inay 3-0 ku garaacdo Wolves iyagoo labo dhibcood u jirsaday kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.

ADVERTISEMENT

Haaland ayaa durba maraya 25 gool uu ka dhaliyay horyaalka Premier League, waana in ka badan labo gool goolashii ay Mohamed Salah iyo Heung-min Son ay ku qaadeen kabta dahabka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana la marayaa kaliya bisha Janaayo.

Waa xiddigii ugu horeeyay abid ee 19kiisii kulan ee ugu horeysay Premier League ku dhaliya afar seddexleey, waxa uu jabiyay rikoodhkii Ruud van Nistlerooy oo afar seddexleey ku dhaliyay 65tiisii kulan ee ugu horeysay.

skysports manchester city wolves 6032672

ADVERTISEMENT

Wolves nasiib ayay ku laheyd in gool kaliya lagu marsiiyo qeybtii hore ee ciyaarta madaa Man City ay kubada iska heysatay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Erling Haaland ayaa hogaanka u dhiibay dhamaadkii qeybta hore ka dib markii uu madax ku dhaliyay karoos uu u soo dhigay Kevin de Bruyne.

lcimg 3605db3c 30a4 4a8d 9c84 ba0cf0a77802

Dhamaadkii qeybta hore City ayaa heshay fursado ay hogaanka ku sii dheereysan kartay iyadoo Grealish uu u dhawaaday shabaqa halka Collins uu sameeyay difaacasho adag.

Seddex daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta Man City waxaa loo dhigay rigoore markii uu Neves cirbaha isagu dhuftay Gundogan.

ADVERTISEMENT

Waxaa rigoorada u soo istaagay Erlind Haaland oo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta.

lcimg a54986a0 8892 4516 867a ecf2668a267e

Daqiiqadii 53aad Erling Haaland ayaa dhameystirtay seddexleydiisa ka dib hadiyad ay Man City ka heshay Wolves. Sa ayaa kubad toos ugu baasay Mahrez kaasoo isna u dhigay Haaland oo si aayar ah shabaqa ugu taabtay.

Waxa uu goolkaas ahaa goolkiisii 25aad ee xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyo Premier League isagoo saftay kaliya 19 kulan.

Mahrez ayaa isna markiisa shabaqa soo taabtay qeybtii labaad laakiin goolkiisa waxaa loo diiday inuu offside ahaa.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Man City ku xaaqday Wolves waxayna labo dhibcood u jiraan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal inkastoo ay labo kulan sii hor ciyaareen.

Share325Tweet203
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.