Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay dhammaan dhibaatooyinka kala duwan ee kooxdiisa haysta xilli ay xalay guul soo laabasho cajiib ah ka gaadheen Tottenham.
City ayaa markale seexatay qaybtii hore ee kulankaas xalay, walow ay ahaayeen kooxda ciyaar ahaan gacan sarreysa ayaa haddana markale laba gool laga dhaliyay.
Sky Blues ayaa qaybtii dambe degdeg ugu dagaalamay guul soo laabasho ah waxaana hormuud u ahaa Riyad Mahrez oo laba gool iyo caawin sameeyay.
Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisu ay ciyaar ahaan fiican tahay balse ay ka dhiman yihiin xamaasad, dab, doonis iyo waxkale oo badan isagoo taageerayaasha kooxdiisana ku eedeeyay inay qaybtii hore oo dhan aamusnaayeen.
Guardiola oo la weydiiyay waxa kooxdiisa City ka maqan ayaa yidhi “Adayg, xamaasad, dab iyo doonista guusha ee laga bilaabo daqiiqada 1-aad. Si lamid ah taageerayaashayada, 45 daqiiqo ayay aamusan yihiin”.
“Aad ayaanu uga fognahay kooxdii aanu ahayn, maaha dhinaca ciyaarta, qaybtii hore si fiican ayaanu u ciyaarnay balse waxa jira waxyaabo badan oo dhinaca tartamista ah iyo waxa ay tahay inaanu samayno oo aanu aad uga fognahay”.
Man City ayaa kaddib guushaas xalay shan dhibcood u jirsatay hoggaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal walow ay Gunners kulan baaqi ah haystaan.