Koobka Adduunka ee 2022 ee lagu magacaabo Jules Rimet waxa uu gacanta u galay Argentina oo 36 sannadood kaddib ku guuleysawtay Koobkan, laakiin Kylian Mbappe ayaa isaguna kabta dahabka ah qaatay halka Messi looga hadhay xiddigii ugu fiicnaa intii uu tartanku socday.
Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo dhaliyey siddeed gool intii uu socday tartanku, waxa uu kusii siqayaa in isaga oo ay da’diisu tahay 23 jir uu noqdo weeraryahankii ugu wanaagsanaa taariikhda Koobka Adduunka.
Shan ciyaartoy oo kaliya ayaa ka wanaagsanaa xiddigihii afka hore ee gool-dhaliyeyaasha ahaa ee soo maray Koobka Adduunka, waxaana hubaal ah haddii uu sidan kusoo noqdo afar sannadood kaddib in uu isku qori doono taariikhda.
Halyeygii reer Germany ee Miroslav Klose ayaa haysta rikoodhka gool-dhalinta Koobka Adduunka, isaga oo sannadkii 2014 jabiyry rikoodhkii uu 2002 dhigay Ronaldo Nazario.
Miroslav Klose ayaa waxa uu yahay weeraryahankii ugu fiicnaa marka laga eego dhinaca gool-dhalinta isaga oo saxeexay 16 gool, waxaana ku xiga Ronaldo Nazario oo 15 gool ka dhaliyey Koobka Adduunka.
Halyeygii kale ee Jarmalka ee Gerard Muller ayaa saddexaad fadhiya oo 13 ciyaarood oo Koobka Adduuna ah oo uu saftay dhaliyey 14 gool, afraadna waxa hadda ku wada jira Lionel Messi iyo xiddigii reer France ee Just Fontaine oo min 13 gool ka dhaliyey Koobka Adduunka.
Kylian Mbappe ayaa soo cidhiidhsaday lixaad oo isaga oo 23 jir ah dhaliyey 12 gool oo Koobka Adduunka ah, waxaana uu kaliya Miroslav Klose u jiraa afar gool, iyadoo uu waliba haysto waqti badan oo uu kusoo qabto marka la eego da’diisa.
Waa kuwan ciyaartoyda ugu goolasha badan Koobka Adduunka oo uu Mbappe kaga jiro kaalinta lixaad.
- Miroslav Klose (Germany) – 16 gool
- Ronaldo (Brazil) – 15 gool
- Gerd Muller (Germany) – 14 gool
- Lionel Messi (Argentina) – 13 gool
- Just Fontaine (France) – 13 gool
- Kylian Mbappe (France) – 12 gool
- Pele (Brazil) – 12 gool
- Jurgen Klinsmann (Germany) – 11 gool
- Sandor Kocsis (Hungary) – 11 gool
- Gabriel Batistuta (Argentina) – 10 gool
- Teofilo Cubillas (Peru) – 10 gool
- Grzegorz Lato (Poland) – 10 gool
- Gary Lineker (England) – 10 gool
- Thomas Muller (Germany) – 10 gool
- Helmut Rahn (Germany) – 10 gool