Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Goorma Ayay Soo Noqonayaan Xiddigaha Liverpool U Wiiqantay Ee Luis Diaz & Diogo Jota?

by Abdiwahab Ahmed
December 24, 2022
0
Goorma Ayay Soo Noqonayaan Xiddigaha Liverpool U Wiiqantay Ee Luis Diaz & Diogo Jota?

Liverpool ayay muddo kale kasii maqnaan doonaan xiddigaha ay aadka u tabtay ee Luis Diaz iyo Diogo Jota oo ay soo gaadheen dhaawacyo ay bilo kaga maqnaanayaan garoomada.

ADVERTISEMENT

Xiddigahan afka hore ayaanu Jurgen Klopp ku xisaabtami doonin waqtiga ugu mashquulka badan ee uu dib u bilaabmayo horyaalka Premier League, laakiin waxa kala duwan xilliga ay soo laabanayaan ee ay shakhaatiirtu shaaciyeen haddii aanu isbeddel kale ku iman.

Luis Diaz ayaa uu dhaawac soo gaadhay bishii October halka Diogo Jota uu maalmo ka hor Koobka Adduunka ku habsaday dhaawac xanuun badan oo garoonka laga dhax qaaday.

Luis Diaz

ADVERTISEMENT

Klopp oo ay kooxdiisu ku jirto kaalinta lixaad, ayaa waxa uu horyaalka dib u bilaabanayaa Isniinta iyadoo ay ka maqan yihiin labadan ciyaartoy ee muhiimka ah.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Goorma ayay soo laabanayaan?

Diaz ayaa horeba ugu soo noqday garoomada oo soo dhamaystay saddex bilood  oo loo qabtay bishii October hase yeeshee mar kale ayuu dhaawac kasoo gaadhay tababarkii ay toddobaad ka hor kooxdiisu ku samaynaysay magaalada Dubai.

Xiddiga reer Colombia ayaa la xaqiijiyey inuu saddex bilood oo kale jiifi doono taas oo ka dhigan in illaa bisha saddexaad ee sannadka ama March uu ka maqnaanayo kooxdiisa.

Garabka bidix ee weerarka ee uu Diaz ka ciyaari jiray ayay Liverpool la’dahay ciyaartoy u buuxiya, waxaana muddooyinkii dambe lagu tijaabinayay Darwin Nunez oo isaguna aan sidii laga doonayay uga shaqaynayn halkaas.

Qalliin cusub oo jilibka ah oo lagu sameeyey Diaz ayaa ka dhigaya in marka uu soo laabto bisha March uu u baahan doono waqti uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisa maadaama uu ku dhowaad lix bilood ka maqnaanayo garoomada isku-darka dhaawaciisii hore ee October illaa waqtiga dambe ee uu soo noqonayo ee March.

ADVERTISEMENT

Jota

Diogo Jota oo isagana uu dhaawacu kasoo gaadhay ciyaartii Man City ee Etihad Stadium oo dhamaadkeedii laga dhax qaaday garoonka, ayaa la filayaa in uu soo noqdo dhamaadka bisha January ee foodda inagu soo haysa ama horraanta bisha xigta ee February.

Si kastaba, Jurgen Klopp ayaa ku ducaysanaya inay hore ugu soo kabtaan labadan ciyaartoy ee muhiimka ah maadaama ay kaalinta lixaad fadhiyaan oo ay 15 dhibcood ka hooseeyaan Arsenal oo hoggaanka haysa.

Share319Tweet199
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.