Isku-aadka wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup ayaa la sugayaa, waxaana mar dhow ay koox walba ogaan doontaa naadiga ay ku beegmi doonto ee ay dagaallami doonaan marka laga soo laabto Koobka Adduunka.
Kooxaha waaweyn ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa dhamaantood ku jira isku-aadka wareeggan, waxaana sidoo kale ku wehelinaya kuwa heerka labaad ee Championship-ka oo si adag ugula dagaallama marxaladdan iyo heerarka kasii dambeeya.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey lambarrada kooxaha isku-aadka loo samayn doono, waxaana ku jirta kooxda difaacanaysa koobka ee Liverpool oo xilli-ciyaareedkii tegay ku guuleysatay.
Kulamada wareegga saddexaad ee FA oo la ciyaarayo inta u dhaxaysa maalmaha Jimcaha illaa Isniinta ee January 6 illaa January 9, ayaa waxa si weyn sannadkan sare loogu qaaday lacagaha ay helayaan kooxaha kasoo gudba wareegyada kala duwan.
64ka kooxood ee ku tartamaya wareeggan, ayaa 32-ka soo gudba waxa mid walba la siin doonaa lacag gaadhaysa £105,000 Gini, halka xilli ciyaareedkii hore la siiyey kooxihii usoo gudbay wareegga saddexaad lacag dhan £82,000 Gini.
Halkan kaga bogo lambarrada ay kooxuhu kaga qayb-gelaya isku-aadka wareegga saddexaad ee FA Cup
- 1. AFC Bournemouth
- 2. Arsenal
- 3. Aston Villa
- 4. Birmingham City
- 5. Blackburn Rovers
- 6. Blackpool
- 7. Brentford
- 8. Brighton and Hove Albion
- 9. Bristol City
- 10. Burnley
- 11. Cardiff City
- 12. Chelsea
- 13. Coventry City
- 14. Crystal Palace
- 15. Everton
- 16. Fulham
- 17. Huddersfield Town
- 18. Hull City
- 19. Leeds United
- 20. Leicester City
- 21. Liverpool
- 22. Luton Town
- 23. Manchester City
- 24. Manchester United
- 25. Middlesbrough
- 26. Millwall
- 27. Newcastle United
- 28. Norwich City
- 29. Nottingham Forest
- 30. Preston North End
- 31. Queens Park Rangers
- 32. Reading
- 33. Rotherham United
- 34. Sheffield United
- 35. Southampton
- 36. Stoke City
- 37. Sunderland
- 38. Swansea City
- 39. Tottenham Hotspur
- 40. Watford
- 41. West Bromwich Albion
- 42. West Ham United
- 43. Wigan Athletic
- 44. Wolverhampton Wanderers
- 45. Grimsby Town
- 46. Wrexham
- 47. Accrington Stanley
- 48. Fleetwood Town
- 49. Ipswich Town
- 50. Barnsley
- 51. Forest Green Rovers
- 52. Portsmouth
- 53. Shrewsbury Town
- 54. Hartlepool United
- 55. Stevenage
- 56. Charlton Athletic or Stockport County
- 57. Boreham Wood
- 58. Dagenham & Redbridge or Gillingham
- 59. Oxford United
- 60. Sheffield United
- 61. Chesterfield
- 62. Burton Albion
- 63. Walsall
- 64. Derby County