Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Goorma Ayaa La Samaynayaa Isku-aadka Wareegga AFRAAD Ee FA Cup?

by Abdiwahab Ahmed
January 8, 2023
0
Goorma Ayaa La Samaynayaa Isku-aadka Wareegga AFRAAD Ee FA Cup?

Kulamada wareegga saddexaad ee FA Cup ayaa lasoo gunaanadayaa maalinta Isniinta, inkasta oo waqti dambe loo muddayn doono ciyaarraha ku-celiska ah ee kulamada ku dhamaaday barbarraha wareeggan saddexaad.

ADVERTISEMENT

Horyaalka Premier League ayaa toddobaadkan loo fasaxay labada tartan ee FA Cup iyo Carabao Cup, waxaana Isniinta kaddib ay kooxuhu isku diyaarin doonaan wareegga semi-finalka Carabao Cup oo Salaasada illaa Khamiista la ciyaari doono.

Wareegii afraad ee FA Cup ayaa waxa uu ka koobnaa 64 kooxood oo ay kasoo haadhayaan 32 loo samayn doono qori-tuur ay kooxuhu si toos ah iskugu dhici doonaan, si loo helo 16 kooxood oo la filayo inay u badnaan doonaan horyaalka Premier League.

Natiijooyin lama filaan ah ayaa laga diiwaangeliyey Sabtidii, waxaana tartanka FA Cup laga tuuray Newcastle United, waxaana 2-1 ku garaacday Sheffield Wednesday oo marti-gelisay naadiga Sucuudigu lacagta badan ku kharash-gareeyey ee kaalinta saddexaad kaga jira miiska kala-sarraynta Premier League.

Bournemouth ayaa iyadana guul-darrooyin la kulmay oo ka hadhay tartanka, waxaanay taasi ka dhigan tahay, in saddex kooxood oo Premier League ah ay hadheen maalintii koowaad ee wareegga saddexaad la ciyaaray ee Sabtidii, balse waa la filayaa in kuwo kalena hadhi doonaan. Chelsea ama Manchester City ayay midkood ka bixi doonaa tartanka maadaama ay isku dhaceen wareegga afraad oo ay caawa kala baxayaan.

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga afraad

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa sii muddeeyey waqtiga la samaynayo isku-aadka wareegga afraad ee FA Cup, waxaana sida kooxuhu iskugu beegmayaan ay soo bixi doontaa iyadoo aan wali la ogaanin natiijada kulamada Chelsea vs Man City oo galabta ah iyo Arsenal iyo Oxford United oo Isniinta ciyaaraya.

Waxyar ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta Manchester City vs Chelsea ayaa la samayn doonaa isku-aadka wareegga afraad.

Abaaro 7:05pm fiidnimo waqtiga Geeska Afrika ayuu bilaabmi doonaa qori-tuurka la iskugu aaddinayo kooxaha 32ka ah ee usoo gudbay wareegga afraad, waxaana naadiyada aanay natiijooyinkoodu soo bixin, amaba kulan ku-celis ah loo samaynayo ay qori-tuurka kusii geli doonaan duuduub.

Lambarrada ay kooxuhu ku gelayaan isku-aadka:

  • 2. Brighton & Hove Albion
  • 3. Chesterfield / West Bromwich Albion
  • 4. Manchester City / Chelsea
  • 5. Stockport County / Walsall*
  • 6. Boreham Wood / Accrington
  • 7. Tottenham Hotspur
  • 8. Derby County / Barnsley*
  • 9. Cardiff City / Leeds United*
  • 10. West Ham United
  • 11. Burnley
  • 12. Wrexham
  • 13. Norwich City / Blackburn Rovers*
  • 14. Aston Villa / Stevenage
  • 15. Luton Town / Wigan Athletic
  • 16. Oxford United / Arsenal
  • 17. Fleetwood Town
  • 18. Liverpool / Wolverhampton Wanderers
  • 19. Grimsby Town
  • 20. Blackpool
  • 21. Leicester City
  • 22. Forest Green Rovers / Birmingham City
  • 23. Bristol City / Swansea City*
  • 24. Hartlepool United / Stoke City
  • 25. Fulham
  • 26. Southampton
  • 27. Sheffield United
  • 28. Sunderland
  • 29. Sheffield Wednesday
  • 30. Manchester United
  • 31. Reading / Watford
  • 32. Ipswich Town
ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
Share306Tweet192
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.