Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Goorma Ayaa La Samaynayaa Isku-aadka Wareegga 8da Carabao Cup, Goorma Ayaase La Ciyaari Doonaa Finalka?

by Abdiwahab Ahmed
December 22, 2022
0
Goorma Ayaa La Samaynayaa Isku-aadka Wareegga 8da Carabao Cup, Goorma Ayaase La Ciyaari Doonaa Finalka?

Manchester City iyo Liverpool ayay indhuhu kusii jeedaan caawa, waxaanay taageereyaashu sugayaan inay arkaan sida uu noqon doono xafiiltankoodu iyo midkooda u gudbi doona wareegga siddeedda, inkasta oo labada naadi ay isku dayayaan inay hoos u dhigaan cadaawaddii sii kordhaysay ee sannadihii ugu dambeeyey u dhaxaysay.

ADVERTISEMENT

Liverpool oo difaacanaysa koobka ayaa Etihad Stadium ku booqanaysa Manchester City oo ay dersin ciyaartooyo ah ka maqan yihiin, waxaanay midkood ku biiri doontaa toddoba kooxood oo mar hore wareegga afraad kasoo gudbay.

Charlton Athletic ayaa ah kooxda kaliya ee aan Premier League ka ciyaarin ee usoo gudubtay wareegga siddeedda, kaddib markii ay xalay rikoodheyaal ku garaacday Brighton, balse waxa xaqiiqo ah inay tahay naadiga ay kooxaha oo dhan ku ducaysanayaan ee ay doonayaan inay la dheelaan wareegga xiga.

Manchester United, Leicester, Newcastle, Nottingham Forest, Southampton, Wolves iyo Charlton Athletic  ayaa ah kooxaha illaa hadda soo gudbay, waxaana kaliya la sugayaa inay soo kala baxaan City iyo Liverpool si tiradu u buuxsanto.

ADVERTISEMENT

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga siddeedda?

Saacado kooban ayaa inaga xiga xilliga isku aadka, waana caawa oo ay taariikhdu tahay December 22. Marka ay dhamaato ciyaarta Man City iyo Liverpool ayaa la samayn doonaa isku-aadka oo ku beegan saqda dhexe ee caawa.

Sidoo Kale Akhri

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023
DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023

Lambarrada kooxaha ee isku-aadka ay ku guleyaan

Siddeed kubbadood oo yaryar oo ay lambarro ku qoran yihiin ayaa la kala siinayaa labada kooxood, balse illaa hadda EFL ma aanu shaacin lambarrada kooxaha, waxa se ay soo bixi doonaan mar dhow.

Goorma ayaa la ciyaari doonaa finalka Carabao Cup? 

Waqti hore ayaa lasii qorsheeyey taariikhda la ciyaarayo finalka FA Cup, waana mid naadiga ku guuleysta siin doona shidaal ay ku dagaallamaan muddo saddex bilood ah.

Axadda, February 26 ayaa la dheeli doonaa finalka Carabao Cup, xilli ay saacadda Geeska Afrika tahay 7:30pm, Garoonka qaranka ee Wembley ayaa lagu ciyaari doonaa.

ADVERTISEMENT
Share298Tweet186
ADVERTISEMENT

Related Posts

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Barcelona ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagaysa kooxda ay gobolka Catalonia wada degaaan ee Girona oo ay ku booqanayso Estadi...

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.