Jamaahiirta kubadda cagta kuwooda adeegsada barta Twitter-ka ayaa xalay degdeg u go’aamiyay goolka noqon doona midka ugu qurxoon koobka aduunka sanadkan.
Goolka ay doorteen ayaa ah laadkii xorta ahaa ee gantaalka ahaa ee uu Luis Chavez ka dhaliyay xulka Saudi Arabia oo uu dalkiisa Mexico 2-1 uga adkaaday.
Chavez ayaa daqiiqadii 51-aad 2-0 ka dhigay hoggaanka xulkiisu hayay isaga oo dhaliyay laad xor ah oo uu meel durugsan qaab xoogan lugtiisa bidix ugu ganay.
Halkan ka akhriso falcelintii qaar kamida dadka Twitter-ka aragtidooda ku dhiibtay ee goolka koobka aduunka u xushay goolkaas Chavez:
“Goolkii tartanka waa la xaliyay”.
“Kaddib goolkaas isagu wuxuu u wareegi doonaa Yurub, waa goolka tartanka ilaa haatan”.
“Mexico ayaa hadda soo saartay goolkii tartanka, ma jiro wax ka sarre mari kara gantaalkan”.
“Rashford ayaa sidaas sameeyay habeen hore, Chavez ayaa sameeyay caawa, sidoo kale Richarlison wuu u tartamayaa goolka tartanka”.
“Oh My God, kaasi waa goolka tartanka”
26 sano jirkaas ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee 12 kulan oo uu Mexico u ciyaaray iyadoo ay si waali ah ula dabaaldegeen asxaabtiisa xulka kuwa ciyaarayay iyo kuwa keydka ku jirayba.