Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Europa League

Goolkii Labaad Ee Lionel Messi In La Diido Ayay Aheyd & Qalad Ay VAR Iyo Garsooraha Arkin Oo Soo Baxay

by Saed Mohamed
December 19, 2022
0
Goolkii Labaad Ee Lionel Messi In La Diido Ayay Aheyd & Qalad Ay VAR Iyo Garsooraha Arkin Oo Soo Baxay

Qaar ka mid ah taageerayaasha kubada cagta ayaa ku doodaya inay aheyd in la diido goolkii seddexaad ee Argentina ee uu dhaliyay Lionel Messi.

ADVERTISEMENT

Lionel Messi ayaa goolkiisii labaad dhaliyay isagoo ciyaarta ka dhigay 3-2 daqiiqadii 108aad ee ciyaartii finalka, wuxuuna xariiqda goolka dhaafiyay kubad uu Hugo Lloris ka soo bixiyay Lautaro Martinez.

Goolka waxaa looga shakiyay inuu offside ahaa laakiin ku celiskii la daawaday ayaa muujinaya in Varane uu offside-ka ka saaray Martinez. Daafaca Faransiiska Jules Kounde ayaa isku dayay inuu kubada bixiyo laakiin waxay aheyd xilli ay kubadu dhaaftay xariiqda goosha.

Laakiin muranka halkaas kama jiro. Daawadayaasha ciyaarta ayaa arkay in qaar ka mid ah ciyaartoyda keydka Argentina inay garoonka ku dhex jireen ka hor inta aysan kubada dhaafin xariiqda goosha, waxayna aaminsan yihiin inay taasi goolka ka dhigeyso wax kama jiraan.

ADVERTISEMENT

Dad badan ayay la yaab ku noqotay in VAR aysan si dhow u eegin ciyaartoyda keyd ee garoonka ku jirtay markii uu Messi goolka dhalinayay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Screenshot 2022 12 19 090748

Sharciga kubada cagta ee IFAB ayaa dhigaya: “Garsooraha waa qasab inuu diido gool haddii shaqsi dheeri ah uu garoonka ku jiro, shaqsiga dheeriga ah waa ciyaaryahan keyd ah, ciyaaryahan la bedelay, ciyaaryahan casaan la siiyay ama mid ka mid ah shaqaalaha kooxda goolka dhalisay; ciyaarta dib ayaa loo bilaabayaa iyadoo laad aan toos aheyn la dhigayo booskii uu shaqsiga dheeriga ah garoonka ka soo galay.”

Sharciga ayaa sido kale dhahaya: “Haddii goolka la dhaliyo oo ciyaarta ay dib u bilaabato islamarkaana garsooraha uu markaas ogaado in shaqsi dheeri ah uu garoonka ku jiray markii goolka la dhalinayay, markaas goolka lama diidi karo.”

France ayaa daqiiqado ka dib barbareysay ciyaarta marki Kylian Mbappe dhameystirtay seddexleydiisa taasoo aheyd rigooradiisii labaad markii Gonzalo Montiel laga dhigay kubad uu gacanta ku taabtay.

ADVERTISEMENT

Laakiin Montiel ayaa noqday geeska Argentina isagoo dhaliyay rigooradii guusha ee ay koobka ku qaadeen.

Share524Tweet327
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.