Goolhayaha xulka qaranka Cameroon ee Andre Onana ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii ay isku dhaceen tababare Rigobert Song oo laga caydhiyey Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu kulankii koowaad ee Switzerland oo kaliya uu saftay.
Onana ayaa lagu wargeliyey inuu dib ugu laabto dalkiisa markii ay isku dhaceen tababare Song oo ku eedeeyey in uu diiday awaamiirtiisa, isla markaana si aan fiicnayn uga dhaqmayay ciyaartoyda dhexdooda, hase yeeshee Andre Onana ayaa beeniyey arrintaas oo sheegay inuu mar walba u taagnaa sidii uu u difaaci lahaa sumcadda qarankiisa.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ayaa uu Andre Onana oo 26 jir ah ku sheegay in uu tiiriyey kabaha kubadda cagta ee ciyaraha caalamiga oo uu si rasmi ah uga fadhiistay.
Muuqaallo waqti dambe soo baxay ayaa waxa la arkay iyadoo uu goolhaye Andre Onana uu ooyayo markii laga saaray xulkiisa, waxaana isku dayay inuu arrinta soo dhex-galo Samuel Eto’o oo ah Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Cameroon, balse Song ayaa ku adkaystay in aanu doonayn Onana.
Tababareyaasha kale ee xulka ayaa iyaguna qaatay door odaynimo oo ay isku-dayeen dhexdhexaadin aanay ku guuleysanin, waxaana uu laacibkani sidaas kusoo afjaray ciyaaraha caalamiga ah.
Cameroon ayaa guul-darro ku fuaratay Koobka Adduunka waxaana ka badisay Switzerland, hase yeeshee ciyaartii labaad ayay barbarro 3-3 ah la galeen Serbia halka ay Brazil 1-0 kaga badiyeen, iyadoo goolkana uu u dhaliyey Vincent Aboubakar, balse ma aanay awoodin inay usoo gudbaan wareegga 16ka.