Weeraryahankii hore ee kubadda cagta England ee Peter Crouch ayaa tilmaamay xiddiga Chelsea ku sababay guuldarradii xalay kasoo gaadhay kooxda ay jaarka dhaw yihiin ee Fulham.
Chelsea oo marka horeba xilli ciyaareed musiibo ah ku jirta ayaa guuldarro kale oo 2-1 ah kala soo laabatay Fulham kaddib goolal ka yimid xiddigeedii hore ee Willian iyo Vinicius xilli uu goolkooda dhaliyay Kalidou Koulibaly.
Hadal haynta ugu weyn ee kulankaas ayaa ahayd in xiddiga kulankiisii koowaad safanayay ee Joao Felix uu kaadh cas durba qaatay balse Crouch ayaa ku dhagan goolhaye Kepa Arrizabalaga.
Crouch ayaa ku eedeeyay sida uu Kepa u boos qaatay goolka labaad ee Fulham ee uu madaxa ku dhaliyay Vinicius isagoo sheegay inuu gool madhan siiyay.
“Waa qalad weyn oo ka yimid Kepa, haddii uu xariiqiisa dul joogo madax adag ayuu ku noqonayaa (Vinicius) balse wuxuu isaga siiyay gool madhan” ayuu yidhi Crouch.
Intaas kaddib Joao Cole oo BT Sports la joogay Crouch ayaa sidoo kale Trevoh Chalobah ku eedeeyay firaaqada badan ee uu weeraryahanka Fulham siiyay balse sheegay inuu eeda ugu weyn Kepa leeyahay.
“Sidee ayuu Vinicius booskaasi garoonka kaga helay madax cidlo ah? qaladka cad waxa leh Kepa, haddii uu akhriyo duulimaadka kubadda goolka ayuu ku noqonayaa kaddib (Vinicius) ma dhalin karo, haddii uu xariiqiisa joogo waa madax adag”