Goob U Gaar Ah Qoyskiisa, Diyaarado Khaas Ah, Magdhow & In Xilliga Uu Doono Uu Tegi Karayo – Shuruudihii Waallida Ahaa Ee Barcelona Ku Qasbay Inay Fasaxdo Lionel Messi

Xagaagii sannadkii hore, Lionel Messi oo ooyaya ayaa macasalaameeyey Barcelona kaddib markii loo sheegay in aan loo cusboonaysiinayn heshiiskiisa oo waqtigaas ku ekaa. Isaga oo kasoo laabtay fasax uu qoyskiisa lasoo qaaday kaddib guushii Copa America 2021, ayuu Lionel Messi kusoo laabtay Barcelona, waxaase loo sheegay in kooxdu ay go’aansatay in duruufo dhaqaale darteed aanay u cusboonaysiinayn heshiiska.

Laacibkan ayaa saxaafadda kula sii hadlay Camp Nou isaga oo ooyaya, waxaana uu soo afjaray waayihiisii ciyaareed ee Barcelona  ee uu kulliyadooda kasoo baxay, waxaana fursaddaas ka faa’iidaysatay PSG oo August 2021 ku dhawaaqday heshiis laba sannadood ah oo ay la gashay Messi.

Barcelona ayaa waqtigaas ku gaabsatay in duruufo dhaqaale darteed aanay u awoodayn in ay heshiis cusub siiso Lionel Messi, waxaana bixitaankiisu uu keenay in ay kooxdu koob la’aan ku dhamaysato xilli ciyaareedka, sidoo kalena ay meel hore kaga hadhaan Champions League oo ay u dhaadhacaan Europa League.

Advertisements

Wargeyska El Mundo ayaa soo bandhigay sababihii Barcelona ku kallifay in ay diiddo in Lionel Messi ay siiso heshiis cusub, waxaanay sababtu ahayd in uu isagu ku xidhay shuruudo adag markii ay sannadkii 2020 isku dayeen in ay heshiis cusub ka saxeexaan.

Shuruudaha yaabka leh ee Lionel Messi uu ku xidhay Barcelona, ayaa waxa ka mid ahaa in qoyskiisa iyo qoyska saaxiibkii Luis Suarez looga sameeyo Camp Nou goob gaar ah oo loo xidho, in la siiyo diyaarad khaas ah oo uu ugu duulo Argentina xilliyada Ciida Masiixiga, in la siiyo 10 milyan oo Euro oo ah gunnada saxeexa heshiiska cusub, in mushaharkiisa oo 3% laga dhimay waqtigii aafada ee Korona Fayras loo magdhabo iyo in uu awoodi karo in marka uu doono uu iskaga tago kooxda, iyadoo qandaraaskiisana lagu burburin karayo kaliya 10,000 Euro.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada