Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ligue 1

GO’AAN: Messi Oo Go’aankii Ugu Dambeeyay Mustaqbalkiisa PSG Ka Gaadhay Xilli Sucuudigu Lacag Kusoo Jiidanayo

by Apdihakem Omer Adam
January 16, 2023
0
GO’AAN: Messi Oo Go’aankii Ugu Dambeeyay Mustaqbalkiisa PSG Ka Gaadhay Xilli Sucuudigu Lacag Kusoo Jiidanayo

Kaddib ku guuleysigiisii Koobka aduunka, weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa go’aankii la sugayay ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxdaas.

ADVERTISEMENT

Heshiiska uu 35 sano jirkaasi kula joogo Paris ayaa ah mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana ay taasi dhalisay in lala xidhiidhiyo kooxdiisii hore ee Barcelona, horyaalka Maraykanka iyo midka Sucuudiga.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in labada kooxood ee ree Sacuudi ee Al Hilal iyo Al Ittihad ay lacago waali ah mushahar ahaan miiska ugu soo saareen Leo.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in kooxahaasi sanadkii 306 Milyan oo pound mushahar u siinayaan Messi iyadoo sababta ugu weyni tahay inay kula xifaaltamaan Al Nassr oo Cristiano Ronaldo la saxeexatay.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, sida uu sheegayo saxafi Gaston Edul oo wararka Messi aad ugu dhuun-daloolaa, Leo ayaa heshiis cusub oo hal sano oo dheeri ah oo gaadhsiisan ilaa 2024 la gaadhay PSG.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023

Warkaas ayaa dhirbaaxo ku ah dhammaan kooxaha uu damacu kaga jiray saxeexa Leo. Messi ayaa baaqi kusii ahaan doona Parc des Princes si uu Paris uga caawiyo hammigeeda ku guuleysiga Champions League.

ADVERTISEMENT
Share395Tweet247
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.