Giorgio Chiellini Oo Ka Murugeysan Sida Man United U La Dhaqmeyso Harry Maguire

Giorgio Chiellini ayaa aaminsan in Harry Maguire uu ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan England, wuxuuna sheegay inuu u murugoonayo kabtanka Manchester United.

Maguire oo 29 sanno jir ah ayaa eedeymo badan kala kulmay taageerayaasha United bilihii ugu danbeeyay, iyadoo tababare Erik ten Hag uu shaxda ka saaray daafaca Ingariiska.

Laakiin daaficii hore ee Italy iyo Juventus Chiellini ayaa aaminsan in Maguire loola dhaqmay si xun, islamarkaana ay tahay inuu noqdo magaca ugu horeeya ee shaxda xulka England.

Advertisements

Isagoo ka hadlayay xaalada Maguire ee United, Chiellini ayaa u sheegay wargeyska The Times: “Waan ka murugoonayaa xaalada Maguire sababtoo ah waa ciyaaryahan aad u fiican.

“Wax badan ayay ka dalbanayaan isaga. Inay ka soo bixiyeen 80 milyan qasab kama dhigeyso inuu kulan walba noqdo ciyaaryahanka ugu fiican dunida.

“Qiimaha suuqa waxa uu ku xiran yahay dhowr waxyaabood oo aadan kontarooli karin. Qaladka ciyaaryahanka ma ahan.”

Chiellini ayaa garanaya sida guulo heer caalami ah loo gaarso isagoo 117 kulan u saftay xulka Azzurri.

Daafaca dhexe oo ka ciyaaraya horyaalka Mareykanka ayaa aaminsan in Maguire uu leeyahay tayo, islamarkaana si qaldan loola barbardhigayo Rio Ferdinand.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Isaga iyo John Stones waa labo nin oo fiican. Maguire ma ahan Rio Ferdinand laakiin waa daafac fiican.

“Xaalada uu ku jiro ma ahan mid caawineysa xulka England.

“Haddii aad dooneyso inaad ku guuleysato Koob Adduun, suurtogal ma ahan inay dhibaato heysato xiddigahaaga kuugu muhiimsan, waa hubaal Maguire waa mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan England.”

Advertisements

2 Fekradood

  1. Wxaan layaabaa shakhsiyaadka h.maguire buunbuuniya! Ninkan wuxu yahayba waa la yaqaanaa iyo qaladaadkiisa badanba manchester united na way ka maarantay intaa uu kaydka fadhiyana manchester guulo muhiim ah ayay gaaadhay

  2. H.miguer plyer la yaqano maha makan dabada tagaya marka la so shudo dacada de gea wa ka restay Kan lazandro dawada sida lo block liverpool iyo arsinal oo lo handada plyerka ka so horjeda miguer isprat malaha difacasho malaha macadalahi kabtan wayahe inta la kenay firsha wa wada ispirat mlacia Anthony casamiro lizandro xita ericson oo lagu daray dalot mctomny varane and pruno

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada