Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Ghana Oo Guushii Koowaad Kasoo Hoysay Koobka Adduunka, Una Awood Sheegatay Koonfur Korea

by Abdiwahab Ahmed
November 28, 2022
0
Ghana Oo Guushii Koowaad Kasoo Hoysay Koobka Adduunka, Una Awood Sheegatay Koonfur Korea

Xulka qaranka Ghana ahaa guushiisii koowaad kasoo hooyey Koobka Adduunka, waxaanay 3-2 ku garaaceen Koonfur Korea kulan aad u xiiso badnaa oo qaybtii horeba ay shaqaysteen Xiddigaha Afrikaanka ee Ghana.

ADVERTISEMENT

Laba gool oo uu u dhaliyey Mohamed Kudus labadii qaybood ee ciyaarta iyo aftax wanaagsan oo uu kulanka ku furay Mohamed Salisu ayaa xulka Ghana siiyey guul qurux badan oo ay si adag u shaqaysteen, iyadoo Koonfur Korea laba gool oo qaybtii labaad ay israacisay ay guul-darro ka badbaadinkari waayeen.

Xulka Korea ayaa ciyaarta ku bilowday cadaadis badan oo uu saaray Chana, iyaga oo isku dayayay inay waqti horeba kaga nixiyaan goolal, hase yeeshee Ghana ayaa soo bandhigay caiyar qaan-gaadh ah oo dheeli-tiran, iskuna xidhiidhsan min difaac, khad dhexe illaa weerarka.

Kudus

ADVERTISEMENT

Daqiiqaddii 21aad ayuu Mohamed Salisu hoggaanka u dhiibay xulka qaranka Ghana, isaga oo karoos halis ahaa oo uu soo dhiibay Jordan Ayew ku leexiyey goolka. Lugta bidix ayuu Salisu ku dhamaystiray kubaddaas.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Mohammed Kudus ayaa gool labaad raaciyey daqiiqaddii 34aad isaga oo madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Ayew, taas oo uu goolhayaha Koonfur Korea ee Kim Seung Gyu awoodi waayey inuu joojiyo, iyada oo meel aan ka fogeyn ka haleeshay shabaqa, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 2-0 ay hoggaanka ku haysay Ghana.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay xulka Koonfur Korea muujiyeen isku-duubni iyo ciyaar aan baqasho lahayn oo isku xidhan, waxaanay weerarro joogto ah oo aan kala joogsi lahayn ku ekeeyeen goolka Ghana, hase yeeshee xiddigaha madow ee Afrikaanka  ayaa iyaguna raadsanayay fursaddooda oo si aan cabsi lahayn isku difaacayay.

Laba gool oo daran-doorri ah ayay xulka Koonfur Korea la yimaaddeen daqiiqadihii 58aad iyo 61aad, waxaana madax ugu dhaliyey Jo Gue-sung, kuwaas oo dib usoo nooleeyey fursadda ay guul ku raadinayeen xiddigaha Koonfur Korea.

Ghana

ADVERTISEMENT

Mohamed Kudus ayaa dib ugu soo celiyey hoggaanka xulka dalkiisa Ghana daqiiqaddii 68aad, waxaana uu mar kale shabaqa ku hubsaday kubbad uuka helay Inaki Williams.

Dhamaadkii ciyaarta  ayuu goolhaye Lawrence Ati Zigi badbaadiyey dhawr kubbadood oo halis ahaa oo lagaga toogtay meelo tallaabooyin u jira, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Ghana.

Share273Tweet171
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.