Dagaalka ka dhaxeeya Gerard Pique iyo Shakira weli ma dhamaanin. Daaficii hore ee Barcelona ayaa mar kale ku maadeystay xaaskiisa hore ka dib markii ay hees ku soo karbaashtay.
Pique iyo Shakira ayaa kala tagay ka dib 11 sannadood oo ay lamaane ahaayeen iyadoo isku dhacooda uu noqday mid banaanka yaala.
Shakita ayaa sii deysay hees maalintii Khamiista oo ay ku karbaasheyso xiddiga Koobka Adduunka ku guuleystay. Waxayna beyd ka mid ah xiista ku maadeysatay xiriirka uu Pique la leeyahay gabadha 23 sanno jirka ah ee Clara Chia Marti.
“Waxaan u qalmaa labo 22 sanno jir” ayay Shakira ku heestay. “Waxaad gaari Ferrari ah ku bedelay mid Twingo ah. Waxaad saacad Rolex ah ku bedelatay mid Casio ah.”
Wuxuu durba kaftan ka dhigtay saacada Casio isagoo soo xirtay si uu ugu xumeeyo Shakira.
Laakiin maanta ayuu qaaday talaabo kale oo uu ugu maadeysanayo heesta Shakita isagoo soo kaxeystay gaarigii ay ku ceysay ee Renaul Twingo.
35 jirkaan ayaa barnaamij uu ku suuqgeynayay horyaal kubada cagta ah uu sameystay ku yimid gaariga Twingo isagoo dabcan ka jawaabayay heesteedii aheyd: “Ferrari ayaa ku bedelatay Twingo”
Sida ay AS qortay inuu barta bulshada Twitch ka yiri: “Waxaan hishiis kula jiraa shirkada Renault sidaasi darteed laga bilaabo 15ka Janaayo waxaan ku soconayaa gaariga Twingo. Miyaanan arimaha shaqsiyadeed iska xiri karin oo aanan ku imaan karin gaarigii aan doono?”
Heesta Shakita ayaa waxaa la dhageystay 111 milyan jeer kaliya seddex maalmood markii la baahiyay.