Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Gary Neville Oo Qiimeeyey Fursadda Uu Xulka Qaranka Brazil Ugu Guuleysan Karayo Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
November 29, 2022
0
Gary Neville Oo Qiimeeyey Fursadda Uu Xulka Qaranka Brazil Ugu Guuleysan Karayo Koobka Adduunka

Halyeyga reer England ee Gary Neville ayaa qiimayn ku sameeyey fursadda xulka qaranka Brazil u haysto ku guuleysiga Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar, kaddib markii uu daawaday ciyartii ay Isniintii 1-0 ku garaaceen Switzerland ee ay ugu gudbeen wareegga 16ka.

ADVERTISEMENT

Brazil oo uu dhaawac kaga maqan yahay Neymar oo la filayo in sidoo kale uu seego ciyaarta ugu dambaysa hormadooda, isla markaana la dhibaatoonaya dhaawac kuraanta ah oo kasoo gaadhay kulankii Serbia ee Khamiistii, ayaa waxa xalay la baxsaday xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ee Casemiro oo gool qurux badan u dhaliyey.

Fransiiska, Portugal iyo Brazil ayaa u gudbay wareegga 16ka, balse dalal kale oo waaweyn oo kulamadoodii hore natiijooyin fiican keenay ayaa la filayaa inay soo raacaan caawa, iyadoo laba group ay kala bixi doonaan oo afar dal la xaqiijin doono inay iyaguna soo gudbeen.

Neville oo xalay ka hadlayay istuudiyaha telefishanka ITV markii ay dhamaatay ciyaartii ay Brazil ku garaacday Switzerland, ayaa la weydiiyey haddii xulka qaranka tababare Tite uu ku guuleysan karayo Koobka Adduunka, waxaanu ku jawaabay: “Way ku guuleysan karaan.

ADVERTISEMENT

“Waxa aan u malaynayay in ciyaarta ugu wanaagsan Koobka Adduunku ay ahayd kulankii Spain vs Germany, laakiin Brazil ayay ila tahay inay heerkooda tahay oo ay waliba kasii sarrayn doono.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

“Sidooda oo kale uma ciyaar wanaagsan, balse waxay taagan yihiin meel wanaagsan. Waxay muujiyeen inay is-difaaci karaan, maanta [xalay] xataa hal mar goolkooda lama tooganin. Waxa kale oo aya muujiyeen inay ciyaaraha beddeli karayaan oo ay kusoo kordhin karayaan ciyaartooyo tayo leh oo firfircoon oo kaydka fadhiya.

“Waxay ila tahay inay meel wanaagsan joogaan.”

Brazil ayaa ciyaarteeda ugu dambaysa waxay Jimcaha la ciyaari doontaa Cameroon oo iyadunaa u dagaallamaysa inay soo gudubto, kaddib markii ay barbarro 3-3 ah la gashay Serbia Isniintii.

ADVERTISEMENT
Share295Tweet185
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.