Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Gary Neville Oo La Ogaaday Inuu Shaqaalihiisa Cunaha Qabto Xilli Uu Qatar Ku Eedeynayay Inay Shaqaalahooda Si Xun U La Dhaqmaan

by Saed Mohamed
December 21, 2022
0
Gary Neville Oo Doortay Xiddiga England Ee Boos Ka Helaya Xulalka Brazil, Spain, Argentina, France & Germany

Gary Neville ayaa wajigabax la kulmay ka dib markii la ogaaday in shaqaalaha huteelkiisa raaxada inay ku shaqeeyaan lacagta ugu yar ee Ingariiska looga shaqeyn karo taasoo ku filneyn inay noloshooda ku maareeyaan.

ADVERTISEMENT

Xiddigii hore ee Manchester United oo isku bedelay falanqeeye kubada cagta ah ayaa iska leh huteelka Stock Exchange ee magaalada Manchester, waxaana la ogaaday in shaqaalaha huteelka inuu siiyo saacadii 9.50 ginni waa in ka yar 10 ginni waana lacag aad uga hooseysa lacagta uu shaqsi ku noolaan karo gudaha UK.

Dadka lacagtaas ku shaqeeya waxay ku qasban yihiin inay raadsadaan shaqo kale si ay noloshooda u maareeyaan una helaan adeegyada ay u baahan yihiin sida cuntada, kirada, korontada iyo wixii la mid ah.

Arintaan ayaa imaaneysa ka dib markii Neville uu dhowr jeer ku celceliyay sida ay dowlada Qatar u la dhaqmeyso shaqaalaha wadankeeda isagoo sheegay xuquuqdoodii la duudsiiyay sida inay lacago yar ku shaqeeyaan iyo in goobahooda shaqada aysan aheyn kuwa amaan ah.

ADVERTISEMENT

Wuxuu sidoo kale dhawan dowlada Ingariiska ku eedeeyay inaysan mushaharka u kordhinin kaalkaaliyayaasha caafimaad oo sannadkii qaata celcelis ahaa 34 kun ginni halka shaqaalaha Neville ee huteelkiisa ay sannadkii qaataan 19,600 ginni iyagoo todobaadkii shaqeynaya 40 saacadood.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Neville ayaa lagu eedeeyay labo wajiilenimo iyo inuu iska indhotiraya dhibaatada uu isaguba qeybta ka yahay, waxaana loogu baaqay inuusan cunaha ku dhegin shaqaalihiisa oo uu siiyo lacag fiican madaama uu yahay milyaneer ganacsiyo badan leh.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay wax badan ka qabatay dhibaatooyinkii lagu kala kacayay shaqaalaha wadankooda jooga sida in haatan loo ogolaaday in baasabooradooda la siiyo oo ay u shaqeyn karaan cidii ay doonaan islamarkaana mushaharkooda sarre loo qaaday.

Xaalada shaqaalaha Qatar ayaana aad uga fiican sidii aheyd 12 sannadood ka hor markii ay ku guuleysanayeen martigelinta Koobka Adduunka sida ay sheegeen hay’ado badan oo arimaha shaqaalaha u olaleeya.

ADVERTISEMENT
Share305Tweet191
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.