Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Garsoorihii Hore Ee Premier League Oo Faahfaahiyey Sababtii Layaabka Lahayd Ee Loo Fasaxay Goolkii Japan Ee Koobka Adduunka Ka Reebay Germany

by Abdiwahab Ahmed
December 2, 2022
0
Garsoorihii Hore Ee Premier League Oo Faahfaahiyey Sababtii Layaabka Lahayd Ee Loo Fasaxay Goolkii Japan Ee Koobka Adduunka Ka Reebay Germany

Muran ayaa ka dhashay goolkii labaad ee xulka qaranka Japan uu ka dhaliyey Spain oo ay 2-1 kaga  badiyeen, isla markanaana kalinta koowaad kaga soo baxeen group-kooda, halka Spain ay labaad ku dhamaysatay.

ADVERTISEMENT

Goolkan ayaa sabab u noqday in xulka qaranka Germany uu ka hadho Koobka Adduunka, waana sannadkii labaad ee xidhiidh ah ee ay wareegga group-yada kaga baxaan Koobka Adduunka.

Kubad laynka ka gudubtay oo garoonka kasii baxaysay ayuu Kaoru Mitoma dib usoo celiyey, waxaana goolka ku leexiyey Ao Tanaka oo madax ku qabtay. Garsooraha ciyaarta ayaa markii hore diiday goolkaas oo sheegay in kubaddu ay baxday, waxaase kasoo daba hadlay VAR oo u sheegay inuu yahay gool sax ah, sidaana ku ansixiyey goolka.

FIFA ayaa xalayba sharraxaad ka bixisay sababta goolka loo ogolaaday, sidoo kalena VAR ayaa ku doodday in kubaddu ay hal milimitir kula jirtay laynka oo aanay ka wada bixin garoonka, sidaas darteedna uu sharcigu dhigayo in kubaddaasi ku jirto garoonka.

Garsoorihii hore ee horyaalka Premier League ee Peter Walton ayaa isaguna ka hadlay sababta keentay in goolkaas la ansixiyo, waxaanu yidhi: “Waxa aan ka arkayaa isla dhinaca aad idinka ka aragteen, waxa jirta fasiraad dhinaca sharciga ah oo sheegaysa, in haddii ay wali qayb ka mid ah kubaddu dul saaran tahay laynka, in waliay ciyaartu socoto.”

ADVERTISEMENT

Halkan ka daawo goolka muranka dhaliyey

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

📸👀

"It's the correct decision."

Our expert former referee Mike Dean seeks to settle the debate on Japan's goal!#FIFAWorldCup #Qatar2022 pic.twitter.com/kkhZlrr0Ew

— beIN SPORTS (@beINSPORTS_EN) December 1, 2022

ADVERTISEMENT
Share407Tweet254
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.