Garsoorihii qabtay finalka Koobka Adduunka ayaa jawaab kulul ka bixiyay wararka sheegaya inay aheyd inuu diido goolkii seddexaad ee Argentina madaama uu sharcidarro ahaa.
Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkii labaad islamarkaana ciyaarta ka dhigay 3-2 daqiiqadii 108aad kulankii finalka laakiin Mbappe ayaa rigoore ku barbareeyay iyadoo Argentina ay ugu danbeyn koobka ku qaaday rigoore 4-2 ah.
Taageerayaal badan iyo guud ahaan xulka Faransiiska ayaa ku dooday inay aheyd in la diido goolkii Lionel Messi madaama xiddigaha kursiga keydka ay ku dhex jireen garoonka ka hor inta aysan kubadu dhaafin xariiqda gooasha.
Sida ku cad sharciga kubada cagta, waa in la diido gool kasta haddii shaqsi dheeri ah oo ka tirsan kooxda wax dhalineysa uu garoonka ku jiro haddii ay ahaan laheyd ciyaartooy keyd, mid la bedelay, mid casaan qaatay ama shaqaalaha tababarka.
Wargeyska L’Equipe oo ka mid ah wargeysyada ugu waa weyn Faransiiska ayaa si weyn uga hadlay go’aan ay ku tilmaameen mid sharcidarro ah.
Si kastaba, garsoore Szymon Marciniak oo ahaa ninkii ciyaarta dhexdhexaadinayay ayaa jawaab kulul ka bixiyay.
Szymon Marciniak, the referee for the World Cup Final, has responded to @lequipe’s criticism that Lionel Messi’s second goal shouldn’t have counted:
"The French didn't mention this photo, where you can see how there are seven Frenchmen on the pitch when Mbappé scores a goal.” pic.twitter.com/MW6y73iiLN
— Zach Lowy (@ZachLowy) December 23, 2022
Marciniak ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu la soo baxay taleefankiisa isagoo suxufiyiinta tusay sawir muujinaya todoba ciyaaryahan oo dheeri ah oo Faransiis ah oo ku dhex jira garoonka markii uu Mbappe goolka dhalinayay.
Wuxuu yiri: “Dadka Faransiiska ah ma rabaan inay ka hadlaan sawirkaan oo aad arki karto todoba ciyaaryahan oo Faransiis ah oo garoonka ku jiray markii uu Mbappe dhalinayay goolka.”
Dooda garsooraha ayaa ah in haddii uu diidi lahaa goolka Messi iyo midka Mbappe in ugu danbeyn natiijada ay isla meeshii uun ahaan laheyd.
Laakiin dadka reer France weli ma samrin waxayna bilaabeen olole ay ku dalbanayaan in dib loo ciyaaro kulanka finalka iyadoo ay saxiixeen in ka badan 200 kun qof.