Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Garsoorihii Finalka Koobka Adduunka Oo Shaaciyey Qaladkii Kali Ahaa Ee Uu Sameeyey Ciyaartii Argentina vs France

by Abdiwahab Ahmed
December 24, 2022
0
Garsoorihii Finalka Koobka Adduunka Oo Shaaciyey Qaladkii Kali Ahaa Ee Uu Sameeyey Ciyaartii Argentina vs France

Garsoorihii hayay ciyaartii finalka Koobka Adduunka ee Szymon Marciniak ayaa sheegay inuu sameeyey hal qalad oo kaliya 120 daqiiqadood uu dhax-dhaxaadinayay Faransiiska iyo Argentina, kuwaas oo markii dambe ku kala baxay rikoodheyaal ay Argentina guushu ku raacday.

ADVERTISEMENT

Szymon Marciniak ayaa noqday garsoorihii ugu horreeyey ee reer Poland ah ee qabta ciyaar finalka Koobka Adduunka ah, waxaana uu galay taariikhda dalkiisa, hase yeeshee taageereyaasha ayaa ku kala aragti duwanaaday go’aamadiisa qaarkood.

Taageereyaasha badankooda ayaa ku qanacsanaa sida uu Marciniak uga garnaqay ciyaartaas 120kii daqiiqadood ee ay socotay, balse jamaahiirta Faransiiska ayaa ku andacooday in goolkii Lionel Messi uu qalad ahaa inkasta  oo taas beddelkeeda uu garsooruhu ku dooday in goolkii Mbappe ee dambe ay isku marxalad ahaayeen.

Thuram Acuna 1

ADVERTISEMENT

41 jirkan oo waraysi bixiyey ayaa waxa uu sheegay in kaliya uu sameeyey hal qalad oo ahaa in uu ciyaarta joojiyey markii Marcus Thuram qalad lagu galay iyadoo kubaddana ay haystaan ciyaartoyda Faransiisku, waxaana uu tilmaamay inay fiicnaan lahayd in aanu joojin ciyaarta maadaama ay saaxiibadii kubadda haysteen.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Warbaahinta Sport.PL ayaa uu waraysi siiyey Marciniak, waxaanu yidhi: “Dabcan, way jireen qaladaad aan sameeyey finalkii. Waxa aan Faransiiska ka qasay weerar rogaal-celis ahaa markii uu Marcos Acuna taakal xun sameeyey.

“Waxa aan ka baqay in qaladkaas uu ciyaartoygii qaladka lagu galay uu doonayay in ciyaarta loo joojiyo, si qaldan ayaan wax u akhriyey sababtoo ah waxba ma dhicin. Waxay ahayd in aan usii daayo ciyaarta ‘advantage’ kaddibna aan kaadhka mar dambe siiyo.

“Way adkayd. Ciyaar sidan oo kale ah, waxa aan qaladkaas oo kale u qaadanayaa bar madow, waxa se muhiimka ah waxay ahayd in aanay jirin qaladaad waaweyn.”

ADVERTISEMENT
Share560Tweet350
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.