Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa u magacaabay ciyaarta finalka Spanish Super Cup ee Real Madrid vs Barcelona inuu garsoore ka noqdo oo ay aad u neceb yihiin taageereyaasha kooxda Real Madrid oo hore uga tirsanayay caddaalad-darrooyin.
Real Madrid iyo Barcelona ayaa markii koowaad ku kulmaya finalka Spanish Super Cup tan iyo markii isbeddelka lagu sameeyey ee afarta kooxood laga dhigay, inkasta oo ay mar hore isku arkeen wareegga semi-finalka oo ay Real Madrid badisay.
Ricardo de Burgos Bengoetxea ayay u noqon doontaa markii labaad ee uu garsoore ka noqdo El Clasico tan iyo sannadkii 2017 oo ay dhacday arrin aad dunidu u qaadaa-dhigtay, taas oo iyaduna ahayd Spanish Super Cup oo final marayay, markaas oo uu garsoorahani kaadh casaan ah siiyey Cristiano Ronaldo.
Los Blancos ayaa aad uga gadoodday go’aamadii De Burgos Bengoetxea ee ciyaartaas, iyadoo loo arkayay in uu ku jiibsaday dhinaca kooxda ka dhisan caasimadda, waxaanay taasi keentay in uu xidhiidhka Spain ka ilaaliyo garsoorahan inay u dhiibaan ciyaaraha El Clasico.
De Burgos Bengoetxea kama mid aha garsooreyaasha ugu wanaagsan ee Spain, mana laha khibrad sarraysa oo uu ku xamili karayo xumadda El Clasico sida ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Spain, iyadoo la filayo in mar kale ciyaarta Axaddu noqoto mid si adag loogu dagaallamo.
Finalka Spanish Super Cup ayaa noqonaya kulankii labaad ee Real Madrid iyo Barcelona ee xilli-ciyaareedkan 2022-23, waxaanay hore iskugu soo arkeen horyaalka LaLiga.