Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Garsooraha Ugu Xun Horyaalka Premier League Oo Loo Dhiibay Kulanka Manchester United vs Arsenal

by Abdiwahab Ahmed
January 17, 2023
1
YAAB: Sababta Cadaawadda Leh Ee Garsooraha Premier League Ee Anthony Taylor Loogu Diiday Finalka Koobka Adduunka

Premier League ayaa shaaciyey in kulanka adag ee Manchester United ay Axadda safarka ugu tegayso Arsenal uu dhaxdhaxaadin doono garsooraha khibradda badan ee Anthony Taylor, hase yeeshee taageereyaasha Manchester United ayaa ka walaacsan sababtoo ah waxay u aqoonsan yihiin in uu yahay garsooraha ugu xun Ingiriiska.

ADVERTISEMENT

Taylor oo 44 jir ah ayaa la isku raacsan yahay inuu ka mid yahay garsooreyaasha ugu wanaagsan dunida, waxaana uu ka mid ahaa labadii siidhiwale ee Ingiriiska  ahaa ee loo doortay Koobkii Adduunka ee Qatar.

Manchester United oo ku jirta qaab wanaagsan, isla markaana kaalinta saddexaad soo gashay ayaan jeclayn Anthony Taylor, waxaanay taageereyaasheedu walaac ka muujiyeen go’aanka Premier League uu Taylor ugu dhiibay kulanka adag  ee Arsenal ay martida ugu noqonayaan Axadda.

Guul ay gaadho Manchester United ay kusoo gaabin kartaa farqiga Gunners, sidoo kalena waxay cidhiidhsan kartaa kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, halka haddii laga badiyana ay hoos ugu dhici karaan kaalinta afraad.

ADVERTISEMENT

Arsenal oo Axaddii soo dubatay Tottenham ayaan dhibaato u arag garsoore Taylor, laakiin Manchester United ayaa xasuusan go’aamadii uu garsooruhu qaatay kulankii Aston Villa oo ay cabasho badan ka muujiyeen.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023

Baraha bulshada ayay taageereyaasha Manchester United kaga falceliyeen go’aanka Taylor  loogu dhiibay kulanka Emirates Stadium, waxaana mid ka mid ah uu soo qoray: “Guulihii way soo dhamaadeen.”

Mid kale ayaa isaguna soo qoray: “Arsenal waxay garoonka kusoo geli doontaa 12 ciyaartoy”

Taageere saddexaad oo Manchester United ah ayaa isaguna soo qoray: “Rikoodhe ayaa loo dhigi doonaa Arsenal.”

Intaas kuma aanay ekaanin e, mid kale ayaa isaguna yidhi: “Ah waxa la gaadhay meeshii lagu dhamayn lahaa guulaha.”

ADVERTISEMENT

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa waxay ka cadhaysan tahay labadii ciyaarood ee Aston Villa iyo Nottingham Forest ee xilli ciyaareedkan oo uu Anthony Tylor hayay.

Aston Villa ayaa waxay ciyaarteeda ku badisay 3-1 iyadoo uu Lucas Digne laad xor ah dhaliyey, waxaana uu xidhiidhka garsooreyaasha ee PGMOL uu qirtay in uu garsoore Tylor qalad sameeyey ciyaartaas.

Share418Tweet262
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Comments 1

  1. mohamed says:
    3 weeks ago

    taageere m,unt ayaad tahay been ayaad kasheegtay

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.