Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Garsooraha Finalka Koobka Adduunka Ee Szymon Marciniak Oo Wadne Xanuun Ku Dhacay

by Abdiwahab Ahmed
December 18, 2022
0
Garsooraha Finalka Koobka Adduunka Ee Szymon Marciniak Oo Wadne Xanuun Ku Dhacay

FIFA ayaa toddobaadkii hore shaacisay in ciyaarta finalka Koobka Adduunka ee maanta uu qaban doono garsooraha reer Poland ee Szymon Marciniak, iyadoo gurigiisa loo diray Anthony Tylor oo la filayay inuu noqon doono midka ciyaartan dhexdhexaadin doona, sababtuna waa in colaad guun ahi ka dhaxayso Ingiriiska iyo Argentina.

ADVERTISEMENT

Szymon Marciniak oo ay da’diisu tahay 41 jir ayaa noqon doona mid ay maanta indhaha dunidu si weyn u hayaan, laakiin waxa saacado ka hor bilowga ciyaarta dibedda usoo baxday xogta wadne xanuun kusoo booday iyo in uu aflagaadeeyey garsoore oo casaan la siiyey xilliyadii uu ciyaartoyga ahaa.

Saxaafadda ayaa uu la hadlay Szymon Marciniak, waxaana uu daboolka ka qaaday kaddib markii uu qabtay kulankii PSG ay 4-0 ku xasuuqday Barcelona sannadkii 2017, sidoo kalena uu kulamo ka qabtay Euro 2020, in uu ku dhacay wadne xanuun.

“Waqti adag ayaa isoo maray sannad iyo badhkii u dambeeyey. Waxa igu dhacay Tachycardia, waana xanuun wadnaha ah. Bilowgii, aad ayay iigu adkayd waanan joojiyey shaqada. Waxa aan seegay kulamo tartankii qaramada Yurub ah, waxay ii ahayd dareen aad u xun. Laakiin mararka qaarkood noloshu way isbeddeshaa, waxaana kuu soo laabata farxaddii oo laba-jibbaaran.” Ayuu yidhi Szymon Marciniak.

ADVERTISEMENT

“Hadda waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay sababtoo ah wax badan ayaan qoomamaynayaa. Noloshu dib ayaay iigu soo noqotay, qosolkana ma joojiyo sababtoo ah waxa aan dareemayaa fiicnaan.”

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023

Pierluigi Collina oo ah ruug-caddaagii garsoorka ee Talyaaniga oo ah madaxa farsooreyaasha FIFA ayay saaxiibbo dhow yihiin Marciniak, isaga ayaana u doortay in uu noqdo garsooraha  ciyaarta finalka Koobka Adduunka.

Waxa kale oo uu Marciniak ka sheekeeyey xilligii uu ciyaartoyga ahaa iyo sidii uu garsooreyaasha  u aflaadayn jiray, waxaanu yidhi: ‘Waxa aan ahaa ciyaartoy si fiican usoo baxaya sida ay tababareyaashaydii ii sheegeen, laakiin casaan ayaa la  isiiyey markii aan ciyaartoy xagga dambe kaga imid ee aan qalad ku galay. Waxa aan bilaabay in aan la murmo garsooraha, aniga ayaa doonayay in casaan la siiyo ciyaartoyga iga soo horjeeday, laakiin garsooruhu iguma raacin.”

Marciniak ayaa sidoo kale qirtay inuu kaadh casaan ah ku qaatay garsoore uu ku aflagaaddeeyey garoonka dhaxdiisa ka  hor intii aanu soo gaadhin dhaawac halis ahaa oo sababay inuu ciyaaraha ka fadhiisto.

ADVERTISEMENT
Share379Tweet237
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.