Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Garsooraha Axmaqa Ah Ee Casaanku Kasoo Horreeyo Ee Kulanka England vs Iran Ee Kasii Nixiyey Gareth Southgate & Harry Kane

by Abdiwahab Ahmed
November 21, 2022
0
Garsooraha Axmaqa Ah Ee Casaanku Kasoo Horreeyo Ee Kulanka England vs Iran Ee Kasii Nixiyey Gareth Southgate & Harry Kane

Ciyaartoyda xulka qaranka England ayaa taxadar badan samayn doona galabta, kaddib markii garsooraha aan jixinjixa lahayn ee Raphael Claus oo u dhashay Brazil loo dhiibay kulanka adag ee Iran vs England ee ay xiisihiisa sare usii qaadeen xurgufta siyaasadeed ee sannadaha badan u dhaxaysay labadan dal iyo mid cusub oo Ingiriisku hadda dabada ka riixayo oo ah ololaha ay xuquuqda ugu raadinayaan qowmu-luudka.

ADVERTISEMENT

Raphael Claus oo ay tahay markii koowaad ee uu Koobka Adduunka kulamo ka qabanayo, waa garsoore khibrad badan leh oo sidoo kalena ciyaaro adag oo Copa America ah hayay sannadkii hore ee 2021, gaar ahaan ciyaartii kaalinta saddexaad ee Colombia iyo Peru.

43 jirkan ayaa sidoo kale ka mid ahaa garsooreyaashii ay FIFA usoo xushay koobkii adduunka ee U20, waxaana uu hadda ka mid yahay labada garsoore ee reer Brazil ee ku sugan Qatar oo dhexdhexaadinaya kulamada Koobka Adduunka. Garsooraha kale waa Wilton Sampaio.

Xilli ciyaareedkan ugu dambeeyey ee horyaalka waddanka Brazil, waxa uu garsoore Raphael Claus uu qabtay 24 ciyarood, balse waxay ahaayeen kuwo go’aamadiisa ad-adag ay sabab u noqdeen inay garoomada ka baxaan ciyaartooyo aanu kala gabbanin inuu kaadh casaan ah u taago, iyadoo uu bixiyey 114 kaadh oo u dhiganta 4.67 kaadh ciyaar walba.

24kii ciyaarood ee xilli ciyaareedkan, waxa uu sidoo kale bixiyey 10 kaadh oo casaan ah, waxaana layaab lahayd inuu kulankii Fluminense vs Flamengo uu siddeed ciyaartoy casaan siiyey. Shan ka mid ah waxay ka tirsanaayeen Fluminense iyo saddex kale oo u ciyaarayay Flamengo.

Ciyaarta xamaasadda badan ee maanta ee Iran iyo England ayaa uu garsoore Raphael Claus uu kasoo muuqan doonaa, waxaana la filayaa inuu kaadh waqti horeba u taago kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane haddii uu garoonka lasoo galo calaamadda qowmu-luudka.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Share317Tweet198
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.