Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Gareth Southgate Oo Shaaciyey Sabab Kaa Yaabinaysa Oo Uu U Ciyaarsiin Waayey Phil Foden

by Abdiwahab Ahmed
November 26, 2022
1
Gareth Southgate Oo Shaaciyey Sabab Kaa Yaabinaysa Oo Uu U Ciyaarsiin Waayey Phil Foden

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa bixiyey marmarsiiyo ka yaabiyey taageereyaasha kubadda cagta mar la weydiiyey sababta uu u ciyaarsiin waayey laacibka da’da yar ee Phil Foden kulankii Maraykanka ay barbarraha goolal la’aanta ah la galeen Jimcihii.

ADVERTISEMENT

Three Lions oo hoggaaminaysa Group B ayaa u baahnayd inay guuleystaan, si ay ugu gudbaan wareegga 16ka, hase yeeshee nasiib ayay lahaayeen haddii ay ciyaartu kaga dhamaatay iyaga oo dhibic haysta, sababtoo ah aad ayaa looga fiicnaa, waxaanay Maraykanku iska khasaariyeen fursado wanaagsan.

Tababare Gareth Southgate ayaa sameeyey saddex beddel ciyaartii Maraykanka, waxaana uu qaybtii dambe keenay Jordan Henderson, Jack Grealish iyo Marcus Rashford, isaga oo saaray Jude Bellingham, Raheem Sterling iyo Bukayo Saka.

Phil Foden ayaa ku dhamaystay kursiga kaydka, waxaanay arrintaasi u cuntami weyday taageereyaasha xulka qaranka dalkaas sababtoo ah Foden waxa uu xilli ciyaareedkan u dhaliyey Man City siddeed gool, waxaana uu sameeyey fursado fiican oo kale.

ADVERTISEMENT

Southgate oo saxaafadda kula hadlayey gudaha garoonka Al Rayt Stadium kaddib ciyaartii Maraykanka, ayaa waxa la weydiiyey sababta uu Foden u ciyaarsiin waayey, waxaanu ku andacdooday dood kale oo ah in aanu laacibkani waligii Man City uga ciyaarin khadka dhexe, isaguna uu u baahnaa inuu ciyaartoyda khadka dhexe beddelo.

“Waxa aanu ku fikirnay in ay fiican tahay in aanu isla kooxdii [shaxdii kulankii koowaad ee Koobka Adduunka] aanu kusoo bilowno. Kaddib waxa aanu keenay Jack iyo Marcus oo aanu ka horreysiinay Phil. Waxa aanu ku fikirnay in Jack uu si fiican kubadda noogu wadayo, Marcus na uu leeyahay xawaare dheereeya, sidaasna aanu khatar ugu abuuri karayno.” Ayuu yidhi Gareth Southgate.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey: “Ma aanaan dareemayn in ay fiican tahay, in Phil uu ka ciyaaro khadka dhexe, sababtoo ah kooxdiisa halkaas ugama aanu ciyaarin.”

ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Share497Tweet311
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Comments 1

  1. Abdirisk updiLahi moheT says:
    2 months ago

    Viva brazil

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.