Arsenal ayaa ku dhaw inay heshiis la gaadho da’yarkeeda Gabriel Martinelli kaas oo ka dhigi doona mid kamida xiddigaha ugu mushaharka badan kooxdeeda.
Wargeyska Sportsmail ayaa hore u sheegay inay Arsenal bilawday wadahadalka ay heshiis kordhin kaga doonayso Martinelli kaddib 12 bilood oo cajiib ah oo uu soo qaatay.
Wadahadalka ayaa ah mid haatan meel wanaagsan Maraya iyadoo Arsenal iyo ciyaaryahankuba kalsooni ku qabaan inay soo xidhaan oo kala saxeexdaan heshiiska.
Wararka ayaa sheegaya in heshiiska cusub ee uu Martinelli saxeexayaa yahay mid uu toddobaadkii mushahar ahaan 200,000 oo pound ku qaadan doono.
Martinelli ayaa aad ugu faraxsan nolosha magaalada London wuxuuna u sheegay wakiiladiisa in muhiimadiisa koowaad tahay inuu Gunners lasii joogo.
21 sano jirkaas oo saddex kulan Brazil kasoo muuqday Koobka aduunka ayaa Arsenal horyaalka shan gool iyo laba caawimo uga soo sameeyay ilaa haatan xilli uu muhiim ka ahaa inay hoggaanka hayaan.
Guud ahaan Martinelli ayaa 23 gool usoo dhaliyay Arsenal 104 kulan oo uu usoo ciyaaray tan iyo markii uu kusoo biiray 2019-kii.