Gabadha ugu quruxda badan dunida kubadda cagta ee Ana Maria Markovic ayaa shaaca ka qaaday midka ay doorbido xiddigaha ah kuwa ugu fiican jiilkan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Aragtida ah ciyaartoyga ugu fiican taariikhdu waa mid lagu soo doodayay mudo dheer oo ay saaxada ugu sarreysa kubadda cagta wacdarro kasoo dhigayeen Ronaldo iyo Messi iyadoo mucaashaqiinta kubadda cagtu ilaa maanta ku kala qaybsan yihiin.
Ana Maria oo kala dooranaysa Messi iyo Ronaldo ayaa dooratay Ronaldo iyadoo barteeda Twitter-ka mar ay taageere ugu jawaabaysay ku tidhi “Kaliya hal lambar 7 ayaa jira” walow ay qudheedu No.7 ku ciyaarto.
Markovic oo hore il-wareedka 20Minuten ugala hadlaysa ayaa tidhi “Ciyaartoyga gabi ahaanba dookhayga ahi waa Cristiano Ronaldo sababtoo ah isagu waa mid aad u nidaamsan”.
“Waxaan filayaa inay aad u muhiim tahay inaay waxkasta u hurto ciyaaraha oo aad lahaato hab fikir wanaagsan sidiisa oo kale”.
Ana Maria ayaa sidoo kale sheegtay inay la dhacsan tahay hab ciyaareedka xiddiga ay Croatia kasoo wada jeedaan ee Luka Modric.