Raxan taageerayaal English ah oo faraxsan ayuu saxafi Israeli ahi waraysi ka qaaday kaddib kulankii ay xalay guusha 3-0 ka ah ka gaadheen xulka Senegal.
Mid kamida taageerayaashaas ayaa ka yaabsaday saxafiga waraysiga ka qaadayay oo ay ku adkaatay inuu xaliyo xaaladaasi.
Saxafiga oo muuqaal toos ah ku jiray ayay u yimaadeen taageerayaashaasi waxaana uu weydiiyay haddiiba ay dhab ahaan filanayaan inay koobka ku guuleysan doonaan, midkood ayaa ugu jawaabay inaysan filayn inay dhib kala kulmi doonaan xulka France ee ay wareega 8-da ku kulmayaan.
Si kastaba, mid kamida taageerayaasha ayaa qabsaday cod-baahiyaha saxafigu sitay isagoo ku dhawaaqay “Free Palestine” oo uu uga jeedo in la xoreeyo dadka ree Falastiin ee Yuhuudu dhulkooda ku haysato.
Intaas kaddib saxafiga Yuhuudiga ah oo ay muuqatay inuusan ku faraxsanayn hadalka taageerahaas ayaa ugu jawaabay “Kaliya kubadda cagta (Aynu ka hadalno)”.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka
This English football fan shouted "Free Palestine!" live on a Israeli news channel after England’s World Cup win against Senegal today. #Qatar2022
Take note of the Israeli's journalist's reaction. 😭 #FreePalestine pic.twitter.com/9RkiUwqzqp
— 5Pillars (@5Pillarsuk) December 4, 2022