Xulka Faransiiska ayaa u soo baxay wareega sideed dhamaadka Koobka Aduunka ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen xulka Poland iyadoo Giroud uu rikoodh dhigay halka Mbappe shabaqa laga celin la’ yahay.
Labo gool uu qurux badan uu dhaliyay Wiilka Dahabiga Kylian Mbappe iyo gool rikoodh ahaa uu dhaliyay Olivier Giroud ayay Farance ku burburisay xulka Poland.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo France ay weerarka halis ku aheyd islamarkana mar walba afar ciyaaryahan ku galeysay xerada ganaaxa Poland, halka xulka Poland ay isku dayayeen inay khadka dhexe ku maquuniyaan France.
Olivier Giroud ayaa France ka qasaariyay bartamihii qeybta hore kubad gool furan aheyd halka Poland ay heshay fursad gool loo fishay uu badbaadiyay goolhaye Lloris ka hor inta uusan xariiqda goosha ka soo bixinin Raphael Varane.
Laakiin dhamaadkii qeybta hore ayay France hogaanka u qabteen ciyaarta markii Kylian Mbappe uu kubad u dhigay Olivier Giroud kaasoo shabaqa ku aasay.
Goolkaas ayaa ka dhigay in Giroud uu dhigay rikoodh cusub isagoo noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulka France madaama uu dhaliyay goolkiisii 52aad, wuxuu jabiyay rikoodhkii Henry oo 51 gool ahaa.
Qeybtii hore goolkaas ayaa lagu kala nastay iyagoo qeybtii labaad ay France sii xoojisay weerarkeeda waxayna raadinayeen goolkii ay ku sii xaqiijin lahaayeen guusha.
Daqiiqadii 74aad wiilka dahabiga Kylian Mbappe oo shabaqa laga celin la’ yahay Koobkaan Adduunka ayaa France u dhaliyay goolkii labaad isagoo baas uu ka helay Ousmane Dembele ku bedelay kubad gantaal aheyd uu dabamariyay goolhaye Szceszny.
Daqiqiadii 90aad ee ciyaarta Golden Boy Mbappe ayaa mar kale dunida tusay tayadiisa isagoo France u dhaliyay goolkoodii 3aad iyo goolkiisii labaad ee ciyaarta.
Xiddiga PSG ayaa kubad kale oo gantaal ah dabamariyay goolhayaha Poland ka dib baas uu ka helay Thuram.
Mbappe ayaa durbaba shan gool ku hogaaminaya gooldhalinta Koobka Aduunka 2022, wuxuu wadar ahaan tartanka Koobka Adduunka (2022 iyo 2018) ka dhaliyay sagaal gool isagoo da’diisa ay kaliya 23 sanno jir tahay.
Poland waxaa rigoore loo dhigay daqiiqadii 6aad ee waqtigii ciyaarta lagu daray, waxaa rigoorada u soo istaagay Lewandowski, markii hore waa laga qabtay laakiin garsooraha ayaa tilmaamay in Hugo Lloris uu xariiqdiisa ka soo baxay.
Lewandowski ayaa fursad u helay inuu mar kale rigoorada tuuro isagoo markii labaad dhaliyay rigoorada oo gool u sabarsiin ah u dhaliyay xulkiisa Poland.
Weeraryahanka Poland ayaa fashil ahaa kulankii maanta isagoo aan waxba u qaban xulkiisa oo awoodi waayay inay u babac dhigaan xulka difaacanaya Koobka Adduunka.
Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 oo ay France ku tumeen Poland, iyagoo xaqiijistay booskooda wareega sideed dhamaadka.
France waxay wareega 8da ku sugeysaa midkood xulkii caawa soo baxa England ama Senegal.