Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa doortay xulka ugu cad cad ku guuleysiga Koobka Aduunka xilli ay France iyo Argentina iskugu soo baxeen ciyaarta kama dambaysta ah ee Axada ka dhacaysa Lusaul Stadium.
France oo Koob aduunkii hore ee 2018 kusoo guuleystay koobka ayaa doonaya inay noqdaan xulkii koowaad ee laba jeer oo xidhiidh ah qaada 60 sano kaddib halka Argentina u socoto midkeedii ugu horreeyay tan iyo 1986.
Xulka macalin Didier Deschamps ayaa wareega afar dhammaadka kusoo dhaafay Morocco oo ay 2-0 kaga guuleysteen halka xiddigaha Lionel Scaloni 3-0 kusoo jiidheen Croatia.
Roy Keane oo ITV la hadlay ayaa sheegay in Argentina tahay xulka waxyar ku fursad badan Koobka isla markaana ay yihiin xulka uu la doonayo inay ku guuleystaan xataa haddii ay tahay sababta Lionel Messi oo kaliya.
“Waa kulan xiiso leh, waa Final cajiib ah iyo mid dhab ahaan la rajaynayo (Daawashadiisa). Waxaad eegtaa France kulamadii Morocco iyo England waxaanad moodaysaa inaysan ahayn kuwo aad u fiican balse iyagu shaqada way qabanayaan, hal gool ayaa laga dhaliyay labadaas kulan wuxuuna ahaa rigoore” ayuu yidhi Keane.
“Balse Argentina oo haysata dhammaan taageerada ka dambaysa, tamarta xulkooda iyo dabcan Lionel Messi, waa inaad tidhaahdo iyaga ayaa ah kuwa waxyar cad cad”
“Waxaynu aragnay waxyar oo Messi oo heerkiisii ugu sarreeyay ah (Kulankii Croatia), isagu sanado iyo sanado ayuu sidaas samaynayay. Ninkaasi waa cajiib waanan jeclahay daawashadiisa, waxaan rajaynayaa inay ku guuleystaan xataa haddii ay isaga oo kaliya tahay”.