Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

France Football Oo Shaaciyey Xiddig Aan Ahayn Lionel Messi Oo Ku Guuleystay TODDOBA Ballon d’Or

by Abdiwahab Ahmed
December 22, 2022
0
France Football Oo Shaaciyey Xiddig Aan Ahayn Lionel Messi Oo Ku Guuleystay TODDOBA Ballon d’Or

Lionel Messi ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee aad ogtahay in uu toddoba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, laakiin wargeyska France Football ee bixiya billaddan ayaa waxa uu shaaciyey xiddig kale oo toddoba jeer ku guuleystay oo laga yaabo in aanad hore u ogeyn.

ADVERTISEMENT

Messi oo u dabbaal-degaya Koobka Adduunka ee uu dalkiisa u qaaday horraantii toddobaadkan, ayaa waxa ay indhihiisu qabanayaan France Football oo soo bandhigaya sawirrada ciyaartoy kale, taas oo lagaga dafirayo inuu yahay midka kaliya ee toddoba jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Sababta uu France Football arrintan u daabacay ma aha mid la xidhiidha in Argentina ay Koobka Adduunka ka qaadday Faransiiska, hase yeeshee waa go’aan uu hore usii gaadhay wargeysku oo uu dib ugu saxay qaladaad dhacay in ka badan nus-qarni ka hor.

Abaal-marinta Ballon d’Or ayaa waxa uu wargeyska France Football bilaabay sannadkii 1956kii, iyadoo labadii wariye ee taariikhda galay ee Gabriel Hanot iyo Jacques Ferran ay ku maamuuseen Stanley Matthews oo u dhashay Ingiriiska oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ku guuleystay.

Illaa intii laga soo gaadhayay sannadkii 1995kii, abaal-marinta Ballon d’Or waxa kaliya oo la siin jiray ciyaartoyda reer Yurub, waana sababta ay xiddigo waaweyn oo dunida soo maray aanay ugu guuleysanin abaal-marintan. Diego Maradona, Zico, Sokratis iyo xataa Pele ayaanu midkoodna ku guuleysanin abaal-marintan maadaama aanay u dhalanin dalalka Yurub.

Pele 1

Xiddigii reer Liberia ee George Weah ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee aan Yurub u dhalan ee ku guuleysta Ballon d’Or. Sannadkii 1995kii ayaa la beddelay qaabkii abaal-marintan loo bixin jiray, waxaana laga dhigay in ciyaartoyda dunida oo dhan u siman yihiin, waana sababta Weah oo Afrikaan ah oo wacdaro kaa dhigay AC Milan sannadkaas  uu ugu guuleystay.

Sannadkii 2016, wargeyska France Football ayaa shaaciyey in Pele laga duudsiyey xuquuq uu lahaa, waxaana loo aqoonsaday isla markaana la guddoonsiiyey toddoba Ballon d’Or oo uu xaq u lahaa sannadihii 1958, 1959, 1960, 1961, 1963, 1964 iyo 1970 oo kaliya uu ku waayey in aanu reer Yurub ahayn.

Waxa kale oo France Football uu abaal-marino uu siiyey Maradona oo laba jeer xaq u lahaa, Mario Kempes, Garrincha, iyo Romario.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
Share480Tweet300
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.