Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa dareensan in la gaadhay waqtigii uu xilka bannayn lahaa kaddib 13 sannadood oo xidhiidh ah oo uu soo ahaa madaxweynaha Los Blancos, isla mrkaana uu gaadhsiiyey guulo waaweyn.
Perez oo ay da’diisu tahay 75 jir ayaa lagu tilmaamaa maskaxda kubadda cagta ee waqtigan, iyada oo looga tusaale qaadanayo falsafaddiisa maamul iyo sida uu kooxda uga dhigay mid soo jiidata xiddigaha waaweyn ee kubadda cagta, taas oo keentay inay guulo badan gaadhaan.
13kii sannadood ee ugu dambeeyey ee uu Florentino ahaa madaxweynaha Real Madrid waxay ku guuleysteen shan Champions League isaga oo qasnadda naadigana u jabiyey ciyaaartooyo ay ka mid ahaayeen Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale.
Florentino Perez ma doonayo inuu ka dego xilka isaga oo aan diyaarinin qofkii beddeli lahaa, isla maraana sii wadi lahaa falsafaddiisa iyo nooca amaamul ee uu naadiga kusoo waday 13kii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana uu u xushay oo uu doonayaa inuu beddelo xiddiga kubadda Tennis-ka ee Rafael Nadal oo taageere weyn u ah Real Madrid.
Sida uu qoray wargeyska Sport, Nadal oo marar badan lagu arko isaga oo daawanaya kulamada Real Madrid ayaa waxa uu isaguna doonayaa inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Real Madrid, waxaana sannadkii 2019 waraysi uu bixiyey uu ku sheegay inuu doonayo inuu mar uun noqdo madaxweynaha naadigan.
“Haddii aad i weydiiso in aan doonayo inaan noqdo Madaxweynaha Real Madrid, jawaabtaydu waa ‘ma jiro shaqo aan kaga farxad badnaan lahaa’.”
Sannadkii 2011 ayaa Nadal loo doortay safiirka Real Madrid, waxaana hadda uu ka fikirayaa inuu ka fadhiisto ciyaaraha kubadda Tennis-ka.