Finalka Champions League Oo Loo Rarayo Mareykanka & Qorshaha UEFA Oo La Ogaaday

Finalka Champions League ayaa laga yaabaa in loo raro dalka Mareykanka mustaqbalka dhow, xilli la ogaaday qorshaha la yaabka leh ee ay isbedelka ku sameyneyso UEFA.

Wargeyska Isbaanishka ee AS ayaa sheegaya in UEFA iyo xiriirada kaleba inay ku fekerayaan in finalka Champions League lagu ciyaaro dalka Mareykanka si loo soo jiito taageerayaal badan iyo dhaqaale badan.

Shirkadaha suuqgeynta Mareykanka ayaa doonaya inay koobka dhega weyne geeyaan USA, iyadoo UEFA ay dooneyso inay balaariso suuqeeda.

Advertisements

Kulanka ugu weyn kooxaha kubada cagta Yurub waligeed laguma ciyaarin meel ka baxsan qaarada Yurub, waxayna noqon doontaa isbedel aad u weyn haddii uu qorshahaan hirgalo.

Si kastaba, faa’idada dhaqaale ayaa ah mid aad u weyn haddii finalka Champions League loo raro Mareykanka, madaama ay labo jibaar mayaan xayaysiinada iyo weliba xuquuqda baahinta tartanka.

Madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin ayaa qorshahaan finalka Champions League lagu ciyaarayo meel ka baxsan Yurub ka dhawaajiyay wax yar ka dib markii la doortay sannadkii 2016.

Ceferin ayaa lix sannadood ka hor yiri: “Waxaan qabaa inay tahay fekrad mustaqbalka ah laakiin waa inaan ka wadahadalno.

“Inaad ka tagto Portugal oo aad u safarto Azerbaijan tusaale ahaan, waxay la mid tahay adigoo aaday New York. Taageerayaahsa dhibaato kuma ahan.”

Madaxweynaha ayaa haatan doonaya inuu ka dhabeeyo soo jeedintiisii lix sannadood ka hor iyadoo sannadkii hore la isla soo qaaday in finalka Champions League ee 2024 lagu ciyaaro New York.

Mareykanka ayaa horumar badan ka sameynaya dhanka kubada cagta, iyadoo 22 ka mid ah 28ka kooxood ee horyaalka MLS ay leeyihiin garoomo iyaga u gaar ah bedelkii ay isticmaali lahaayeen garoomada isboortiyada kale.

Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka martigelinaya Koobka Adduunka sannadka 2026 iyagoo la martigelinaya deriskooda Mexico iyo Canada.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada