FIFA VIRUS Oo Real Madrid Qudheeda Saameeyay, Alaba Oo Dhaawacmay Xalay & Xaaladiisa

FIFA VIRUS oo ah waxa ay ugu yeedhaan dhaawacyada saamaynta badan ee kulamada caalamiga ah saxaafada Spain ayaa xalay haleelay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona labadaba.

Barcelona ayaa ah kooxda uu saamaynta ugu badan ku yeeshay oo ay wax kaga noqdeen xiddigaha kala ah Jules Kounde, Memphis Depay, Frankie De Jong iyo Ousmane Dembele walow aysan dhaawacyada labada dambe ahayn kuwo halis badan.

Dhinaceeda Real Madrid ayuu ka dhaawacmay kabtanka xulka Austria ee David Alaba oo 70 daqiiqo ka ciyaaray kulankii ay guuldarrada 2-0 ahi kasoo gaadhay France.

Advertisements

Xiddigaha kale ee kulankaas uga qayb qaadanayay Madrid ee Ferland Mendy iyo Aurelien Tchouameni ayaa iyagu caafimaad qab ku dhammaystay kulanka.

Haddiiba uu Alaba u baahdo inuu wax kulamo ah seego ayuu tababare Carlo Ancelotti lamaanihiisa daafaca dhexe ka dhigi doonaa Eder Militao iyo Antonio Rudiger.

Ugu dambayn, wargeyska Marca oo neefta kasoo fujiyay jamaahiirta Los Blancos ayaa sheegaya in dhaawaca Alaba uusan ahayn mid weyn oo werwer leh.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada